Maal-qabeenka Elon Musk Oo Dalal Somaliland Ku Jirto Ka Hirgelinaya Internet Xawaarihiisu Sarreeyo

Hargeysa (SLpost)- Ganacsadaha Elon Musk oo hadda ah ninka labaad ee Dunida ugu hanti badan, ayaa qorsheeyay inuu Internet Xawaarihiisu sarreeyo ka hirgeliyo Dalalka qaaradda Afrika.

Dalka Zimbabwe ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee laga hirgelinayo Internet-ka Xawaarihiisu sarreeyo, kaasi oo ay hirgelinayso Shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk.

Dalka Zimbabwe ayaa Koonfur Afrika kaga horraynaysa helidda adeeggan muhiimka ah.

Waddamada kale ee sanadkan helaya adeegga internetka ee Starlink waxaa ka mid ah, Angola, Benin, Burundi, Malawi iyo Zambia iyo kuwo kale.

Adeegga intarnetka ee dayax-gacmeedka ayaa hadda si baahsan looga helaa dalal badan oo Yurub ah, Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, iyo Australia.

Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasay in 29% kaliya dadka ku nool Afrikada Saxaraha ka hoosaysa ay helaan internetka sanadkii 2020.

Laakiin, dalalka laga hirgelinayo Internet-ka Dayax-gacmeedku soo tuurayo, ayaan ku koobnayn Zimbabwe iyo kuwa kale ee la xusay, balse waxa jira Dalal kale oo ku jira Jadwalka dalalka laga hirgelinayo, waxaana dalalkaasi ku jirta Somaliland.

Jaantuus ay baahisay Warbaahinta zimeye.net oo Zimbabwe laga leeyahay, ayaa muujinaya In Elon Musk uu qorsheeyay inuu sannadkan 2023 Internet-ka Xawaarihiisu sarreeyo ka hirgeliyo, kuwaasi oo ay ku jiraan Somalland iyo Dalal kale, waxaana qorshuhu yahay in marka hore Shirkadda Starlink ku soo bandhigto, ka dibna la fuliyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net