“Ma Doonayno Inaanu Wakhtiga Ku Lumino Wada-hadallo aan Midho-dhal Lahayn” – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Dr Essa Keyd, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ka dambeeyey go’aan ay dhawaan ku sheegtay inay dhankeeda ka joojisay wada-hadalladii u ka dhexeeyay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd oo u warramay warbaahinta Somaliland Chronicle, waxa uu xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyey inay marin-habaabisay ujeeddada rasmiga ah ee Somaliland ka leedahay wada-hadallada isla markaana ay u samaysay weji kale oo tilmaamaya inay wada-hadalladu yihiin dib-u-heshiisiin labada dhinac ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd

Dr Ciise Keyd oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey sababaha keenay go’aankan ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Ujeeddadii laga lahaa wada-hadallada bilowgiiba waa la majaro-habaabiyey, mana aha mid qarsoon midho-dhal la’aanta wada-hadallada, marka runta laga hadlayana dhinaca kale kama muuqato inay wada-hadalladu ka go’an yihiin, waxaanay isku dayeen inay sameeyaan si kasta oo ay u majaro habaabinayaan hadafka wada-xaajoodka oo loo tarjumay dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya.” Sidaas ayuu yidhi Dr Ciise Kayd.

Advertisement

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray, “Danaha Aasaasiga ah iyo qaabka ay Wada-hadalladu u socdaan maaha kuwo Somaliland dani ugu jirto, waxa jira arrimo kale oo muhiim ah oo u baahan inaanu xoogga saarno; ma doonayno inaanu wakhtiga ku lumino wada-hadallo aan midho-dhal lahayn,”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo xilliga waraysiga lala yeeshay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia xilli uu ku sii jeeday safar shaqo uu maanta ku gaadhay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan oo uu marti-qaad ka helay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu sidoo kale waraysigan kaga hadlay muhiimadda xidhiidhka dublomaasiyeed ee ka dhexeeya Dalka Taiwan, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan maamulka Hawada sare oo ay ka caawinayso dowladda Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On