M/weyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Qaddiyadda Jamhuuriyadda iyo Doodda Somalia ee Midnimada

Axmed Yuusuf Yaasiin

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in mawqifka madax-banaanida Somaliland aan marnaba laga noqon karayn, waxaanu xusay in Madaxda Soomaaliya ay dhaqan ka dhigteen inay iska dhaadhiciyaan inay sheegtaan dal iyo dad aanay xukumin.

Axmed Yuusuf YaasiinMadaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay, “Xornimadeena waxaynu dib ula soo noqonay 1991-kii, halka aynu xorriyadeena aynu Ingiriiska ka qaadanay 1960, inaga ayaana Soomaaliya xornimada uga horaybnay, sidaas darteed inagoo raadinaynayna Shantii Soomaalida ayeynu la midawnay Soomaaliya, laba dal oo midawnay ayeynu ahayn, wixii inagu dhacay markii ay arkeen Soomaalidii kale ayay dib u liqeen candhooftoodii, sidaas darteed xorriyaddii inaga luntay dib ayeynu u soo ceshanay, inaga ayaa nidaam dawladnimo dhisanay, wax kasta oo dal iyo dawlad looga baahan yahayna weynu fulinay”.

“Xukuumaddaheenii talada dalka iskaga dambeeyeyna, Xukuumad walba waxbay qabatay, waxaynu qabsanay Doorashooyin kala duwan, sida Doorashooyin Madaxtooyo, Doorashooyin Gole Deegaan iyo Doorashada Wakiillada, walibana mawqifka madax banaanida dalkeena Shacabka ayaa isla qaatay, masiirka Shacabkana cid wax ka beddeli kartaa ma jirto, markaas Madaxda iskaga dambeeysay Soomaaliya dood jilicsan iyo dal aanay xukumin inay sheegtaan ayaa dhaqan u noqday ee garnaqsi iyo sharci inay nagula doodaan marnaba diyaar uma ah, maxaa yeelay waxay og yihiin in aanu mar kasta ka gar helayno, sababtoo ah jiritaanka Somaliland waa sharci waana muqadas, inuu Caalamku na siiyo aqoonsigayaga ayaa loo baahan yahay”, sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mar uu ka hadlaayey digniin u dirayey Soomaaliya ayuu yidhi “Somaliland waa dal xad leh, oo xuduud leh, oo dhisan, Somaliland waa dal leh Hay’addiisa dawladnimo iyo Golayaashiisa kala duwan, sidaas awgeed xubno dalkayaga u dhashay oo Soomaaliya tagay ma jiraan cid ay mataalan, ee waa dad iskood u shaqo tagay ee Soomaaliya inay dadkaas ku sheegaan dad Somaliland matala maaha, ee dadka Somaliland matala waa dadka dhex jooga ee xilalka u haya, kana dhex shaqeeya”.

Dhanka kale, wuxuu Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, si gaar ah u bogaadiyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu uga mahadaqay qaabka ay isku diiwaangeliyaan, waxaanu sheegay inay Shacabku muujiyeen muwaadinimo iyo lexejeclada ay dalkooda ka qabaan.