M/ Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Dhawrista Xuquuqda Aadanaha

Hargaysa (SLpost):-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici) ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadanaha aduunka oo sanad kasta 10-ka bisha December la xuso, taasi oo maanta lagu qabtay Hudheelka maansoor ee magaalladda Hargaysa.

Munaasibadan oo ay soo agaasintay hay’adda dhawrista xuquuqda aadamaha Somaliland (Somaliland national Human rights), ayaa hal ku dhega sanadkan looga dhigay “ilaalinta xuquuqda aadamuhu waa lafdhabarta jiritaanka aadamaha”, waxaana ka soo qayb-galay wasiirka cadaaladda Somaliland xuseen Axmed Caydiid, wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Maxamuud Axmed barre (garaad), wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadam, guddoomiyaha komishanka xuquuqul iinsaanka qaranka somaliland (Somaliland national Human rights) farxiya xaaji Xuseen Jaahuur.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed aadan, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera dhawrista xuquuqda aadamaha, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Save the Children, DRC, Caritas, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, xubno ka socday ururka haweenka Somaliladn ee NAGAD iyo marti sharaf kale.

saylici11122-300x222

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici) Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadii xuskani ayaa sheegay in diinta Islaamku ay dhamaystirtay dhamaanba xuquuqda aas aasiga ah ee bani’aadamka, bal se dadyawga kale ee aduunka ku kala nool ee aanay gaadhin ama aan haysan diinta islaamka ka dib markii ay dhibaato badani ay dhex martay si loo dhawro xuquuqdooda.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka bisha December waa maalinta aduunku u astaystay maalinta dhawrista xuquuqda aadanaha,iyada oo aynu la wada socono maadaama oo aynu dad islaam ah nahay ayaa diinteena islaamku ay dhamaystirtay dhamaanba xuquuqda qofka bani’aadamka ee sharciga ah maalintii uu dhashay ilaa maalinta uu dhimanayo, hadana dadka kale ee aduunka ku nool ee aanay diinta islaamku wada gaadhin, markii ay dhibaato badani dhex martay ayay caqli ku keeneen in loo baahan yahay si aanay dhibtaasi u sii soconin in maalin loo asteeyo xuquuqda aadamaha, Markaa muhiimadda ay maalintani leedahay waxa weeyi ilaalinta xuquuqda aadamuhu waa lafdhabarta jiritaanka aadamaha, haddii aan bani’aadamku is-xaq dhawrin ama aan xuquuqdiisa la ilaalin waxba jiri maayaan, markaa taasi ayaa keentay muhiimadda ay leedahay in la xuso maalintani, waxay u jeedadeedu tahay in sanadkiiba mar la iskugu yimaado oo la is xasuusiyo qiimaha ay maalintani leedahay”.

C/raxmaan Saylici, waxa kale oo uu sheegay in dastuurka qaranka ee Somaliland uu damaanad qaaday xuquuqda qofka muwaadinka ah sida in uu helo waxbarasho, biyo, caafimaad, gar-soor iyo cadaalad, sidaas darteedna iyada oo taasi laga duulayo la sameeyay hay’ada dhawrista xuquuqda bani’aadamka ee Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in hay’adani ay tahay hay’ad ka madax-banaan dawladda, isla markaana ay qaranka u qaabilsan tahay in ay buuxiso ama toosiso wixii ka qaloocsama dawladda, madaxwayne iyo shacaba.

“Dawladeena Somaliland dastuurkeena sida ku cad wuxuu damanad qaadayaa xuquuqda qofka muwaadinka ah, taasi oo ah in uu helo waxbarasho, caafimaad in uu helo, biyo nadiif ah in uu helo, cadaalad in uu helo, gar-soor in uu helo, ayuu dastuurkeenu damaanad qaadayaa, taasina waa ta loo aas aasay in la sameeyo hay’adda xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland, hay’adaasi waa hay’ad madax-banaan oo dawladda ka madax-banaan, waxaanay ka mid tahay hay’adaha qaranka, Markaa hay’addan xuquuqal iinsaanka qaranku waxay inoo qaabilsan yihiin wixii ka qaloocsamaya dhawrista xuquuqda dadka in ay inoo buuxiyaan, haddii ay dawladda tahay, haddii ay shacabka tahay iyo haddii ay qaybaha kale ee bulshada tahayba, markaa waxaad ogaataan in hay’adaasi ay ka madax-banaan tahay dawladda, annagana ay nagu toosin karaan hawlahaasi, shacab ilaa madaxwayne cid kasta oo qaldanta in ay u sheegaan oo ay yidhaahdaan waad ku xad-gudubtay xuquuqdii aadamaha” ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenku.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan saylici, waxa kale oo uu sheegay in hay’adda dhawrista xuquuqda aadamaha ee Somaliland ay tahay mid u madax-banaan dhamaanba hawlaheeda shaqo cid ku farro gelisaana aanay jirin, isla markaana aanay dawlladda ugu habranaynin samaynta ama abuuritaanka ay abuurtay hay’adan, isaga oo xusay in ay xukuumad ahaan ku adag yihiin ilaalinta iyo dhawrista xuquuqda shaqsiga ah sida uu damaanad qaaday dastuurka qaranku.

Waxaanu yidhi “Dawladda ayaa idin magacawday nooguma habran karaan, ee waxay u dhexeeyaan qaranka Somaliland ayay dhex u yihiin oo ah in wax kasta oo qaloocda ay tilmaamaan, taasina waxaan ku cadaynayaa in ay madax-banaanidoodu taam tahay oo aanay cid ku fara gelisaa jirin, marka ay noola yimaadaan wax kasta oo dhibaato ah oo jirta haddii ay jeelasha kormeeraan ama meelaha kaleba way sheegaan wixii jira waanay cadeeyaan wixii loo baahan yahay, Annguna (xukuumadda) waxaanu halkan idiinka balan qaadaynaa in aanu ku adag nahay sida uu dastuurkeenu damaanad qaaday in xuquuqda qofka shaqsiga ah la ilaaliyo”.

Farxiya Xaaji Xuseen Jaahuur, guddoomiyaha komishanka xuquuqul iinsaanka qaranka Somaliland (Somaliland national Human rights) oo iyadna halkaasi hadal ka jeedisay ayaa daboolka ka qaaday in sanadkan ay dalka ka dhaceen lix iyo afartan (46) kiis oo tacadiyada dumarka loo gaysto ka mid ah.

guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil cali, oo isna munaasibadaais ka hadlay ayaa sheegay in maxkamad ahaan ay arrimaha ilaalinta xuquuqda aadamaha ay ka khusayso in qof kasta oo dacwoonaya uu xaq u leeyahay in uu cadaalad helo, isla markaana ay al-baabada maxkamadu u furan yihiin.Waxaanu tilmaamay in si cadaalad ah oo ay dhamaanba dadka muwaadiniinta ahi ay u siman yihiin loogu gar-soorayo.

wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kiis ka dhacay meelo gaar ah ama meelo hoose sida saldhig ama rug boolsi aan lagu qiimayn Karin heerka cadaaladda Somaliland, bal se ay tahay in lagu qiimeeyo marka ay dacwadu meel sare oo ilaa heer madaxwayne iyo wasiir gaadho ee waxba laga qaban waayo.

Somalilandpost.net

Hargaysa