Loollanka Kursiga Guddoomiye Xigeenka 1aad ee Kulmiye oo Cirka Isku Shareeray iyo Siyaasiyiin Hankooda Soo Bandhigay

Waxa isa soo tartaya tirada siyaasiyiinta ku loolamaya kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye, waxaana jira siyaasiyiin dhalinyaro ah oo durba ka badheedhay shaacinta hankooda siyaasadeed ee loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye oo dhawaan qabsanaya Shirka Golaha Dhexe.

Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) Oo ka Mid ah Dhalinyarada Kaadiriinta ah ee Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta shaaciyey inuu u taagan yahay una tartamayo Booska Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa loo muddeeyey inuu magaalada Burco ka furmo 20-ka bishan August, waxaana la filayaa in shirka lagu doorto hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.

Advertisement

Booska Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye, waxa haatan ku fadhiya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la filayo inuu xilka guddoomiyaha Xisbiga kala wareego madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga waxa ku tartamaya siyaasiyiin dhowr ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Gabiley, waxaana marka laga yimaaddo Siyaasi Faysal Qumuj booska ku tartamaya shaqsiyaad ay ka mid yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar oo labadooduba xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Follow us On