London: Xisbiga Shaqaalaha iyo Yuhuudda ku nool magaalada oo xumaaday Taageero loo muujiyey Shacabka Falastiin

London (SLpost)- Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska iyo bulshada Yuhuudda ah ee ku daqan magaalada London, ayaa si adag uga qayliyey tallaabo maayarka xaafad ka tirsan magaaladaasi taageero ugu muujiyey xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

Lutfur Rahman oo ah nin muslim ah oo Maayar ka ah xaafada Tower Hamlets ee magaalada London, ayaa amar ku bixiyey in xarunta Golaha Deegaanka la sudho la sudho Calanka Falastiin si taageero loogu muujiyo shacabka xasuuqu ku socdo ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin, Balse waxa maalintii ku xigtay olole ballaadhan oo ka dhan tallaabada uu sameeyey maayarkani qaaday xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Labour-ka iyo shakhsiyaad asalkoodu yahay Yuhuud oo ku dhan dalkaas, kuwaas oo dacwad ka gudbiyey Mr Luftur, waxaana maalin ka dib soo baxay mu’aamaraad la qorsheeyey oo lagu eedeyey, taas oo ah in maxkamad lagu saari doono khaladaad iyo wax is-daba-marin ka soo baxay doorashadii uu ku yimi Golaha Deegaanka Hamlets.

Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ugu magacaaban Xaafada Tower hamlets Grant Shapps isla markaana xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka, ayaa ku dooday in aanay Gole deegaan ahaan awood u lahayn faragelinta siyaasadaha Barriga Dhexe.

“Golaha deegaanku ma qabanqaabin karo doorashadooda, iskadaa inay farageliyaan siyaasadaha Bariga Dhexe’e,” ayuu yidhi Mr Grant oo la hadlayey jariirada MailOnline.

Dhinaca kale, Jonathan Arkush oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah urur ay leeyihiin Yuhuudda ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Maayarka degmada Hamlets uu sameeyey khalad uu calan kaga taago Gole deegaan oo ku yaala Ingiriiska, waxase uu ku dooday inay ahayd inuu sidoo kale ka taago calanka Israel si la mid ah calanka Falastiin ee laga qotomiyey Golaha deegaanka Tower Hamlets ee magaalada London.

SOMALILANDPOST.NET