London: Wacdarihii Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Isku daygii Fashilmay ee Cadowga Dibadda

Advertisement

London (SLpost)- Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska, waxa shalay ka dhacay dibed-bax ballaadhan, kaasi oo ay dhigeen Dadka reer Somaliland ee dalkaas ku nool.

Dibed-baxan oo ka dhacay xafiiska Raysal-wasaaraha UK hortiisa, ayaa dadweynuhu ku taageereen Qadiyadda Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidammada Qaranka ee dagaalka kula kula Kooxaha Huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood.

Dibed-baxan oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, ayaa Muwaadiniinta ka qayb-galay waxay UK iyo Dawladaha kale ee Caalamka ugu baaqeen inay ka badheedhaan Aqoonsiga Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, maaddaama oo ay buuxisay Haykalka Dawladnimo.

Advertisement

Waxa kale oo ay baaq nabadeed u direen Garaaddada Laascaanood ee xagga dambe ka hagaya Colaadda la aloosan Laascaanood, waxayna si gaar ah talooyin ugu soo jeediyeen Garaad Jaamac Garaad Cali, waxayna u soo jeediyeen inuu isku arko inuu yahay Garaad Somaliland ah oo aanu ahayn Garaad Beel gaar ah.

Advertisement