London: Todobaadka Somali Week Festival oo si Rasmi ah loo Daah-furay iyo Hal-Abuurka sannadkan ka Qayb-galaya

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada London ee dalka UK waxa xalay si rasmi ah looga daah-furay Munaasibadda Toddobaadka Soomaalida (Somali Week Festival) oo ah bandhig-suugaaneed lagu soo marti-qaado Fannaaniin, Abwaanno, hal-abuurro dhinaca xirfadda ah, kaas oo sannad kasta xilligan oo kale lagu qabto magaalada London.

Munaasibadda oo xalay ku qabsoontay Xarunta British Libraray, waxa ka qayb-galay dadweyne tiro badan oo isaga kala yimi qaaradda Yurub iyo meel kale, iyadoo halkaas ay ka goob-joog ka ahaayeen hal-abuurrada Soomaaliyeed ee lagu marti-qaaday oo isagu jira Qoreyaal, Fannaaniin, Maansayahan, Murtiyahan, Maleeyahan, Maadyahan iyo xubno kale.

Furitaanka Somali Week Festival oo noqonaya sannadkii 11aad ee la qabto, waxa sannadkan dhinaca Somaliland laga marti-qaaday oo dalka ka tagay Abwaanno iyo Fannaaniin ay ka mid yihiin Maxamed BK iyo Cabdilaahi Xasan Ganey.

Todobaadka Somali Week oo ah bandhig xoogga lagu saaro dhiirri-gelinta dhinaca Fanka iyo Suugaanta, waxa soo qaban-qaabiya Ururka Keyd oo kaashanaya hay’ad dowladda Ingiriiska u qaabilsan dhinaca dhiirrigelinta Fanka iyo Ururro kale.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warbixin laga diyaariyey Jewigii xalay ee Furitaanka Somali Week ee magaalada London