QAAHIR (SLpost)- Afar Boqol oo Ruux Dad tiradooda lagu sheegay oo Tahriibayaal ah oo Boqollaal ka tirsani Soomaali yihiin, ayaa ku dhintay Badda u dhaxaysa waddamada Masar iyo Talyaaniga, kuwaasoo keliya 40 Ruux oo ka tirsanaa la badbaadiyey sida ay xaqiijinayaan wararka Warbaahinta caalamku ka faafisay Shilkaas naxdinta badan.
Sawirrada Dadka Dhintay Intooda Warbaahintu Heshay Iyo Liisaska Magacyada 64 Qof Oo Dhammaantood Dadka Dhintay Ku Jira Oo Aanu Helay Waxaad Kaga Bogan Kartaan Sawirradan Hoose Oo Midkasta Oo Aad U Baahan Tahay Dhexdiisa Kilig-Garayn Karto Si Aad U Aragto Ama Ula Degto Sawirka Oo Dhammaystiran:-
Allah ha u naxariistee Dadkan ayaa Doon ka raacay Xeebaha dalka Masar, kuwaasoo Doontii ay saarnaayeen kula geddoontay Badwaynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, isla markaana Markab ay leeyihiin Ciidammada ilaalada Xeebaha ee Giriigga, ayaa isku dayey inuu badbaadiyo dadka saarnaa Doontaas.
Hase-yeeshee, waxay dhibaatada ugu badani ka dhacday markii ay Dadka Doontaas saarnaa intooda badani isku dayeen inay ka baxsadaan Markabkaas. Doontaas, ayaa geddoontay markii ay badi dhinaca Markabku ka soo istaagay mooyee dhinaca kale ay uga boodboodeen Doontaas iyagoo qaarkood isku dayey inay Dabbaashaan.
Halka inta yar tirada dadkaas ay isku dayeen inay dhinaca Markabka uga baxaan doonta, hase-yeeshee, nasiib-darro, Dadka dhinicii Miisaanka Dadku u batay ee xagga Badwaynta ayey u dhacday Doontaas, iyagoo dadkii saarnaa ay Biyaha Badda hoos mareen.
Waxay Doontani Habeennimadii Jimcaha ee toddobaadkii hore ka baxday Xeebaha dalka Masar sida uu xaqiijiyey Weriyaha Horn Cable TV ee Qaahira oo ka tirsan dadka arrimahaas Tahriibayaasha si dhaw ula socday markii ay Masar ka baxayeen, waxaana afarta Ruux ee la badbaadiyey la geeyey dalka Giriigga oo uu u qaaday Markabka waddankaas laga lahaa ee badbaadiyey.
Warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa heshay Magacyada iyo Sawirrada qaar ka tirsan Soomaalida Doontaas saarnaa oo ay ka mid yihiin dad badan oo ka tegay magaalooyinka Somaliland badankooda, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Haddaba, waxay Warbaahinta Aftahannews heshay oo aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Lixdan Magac oo ka tirsan Allaah ha u naxariistee Muhaajiriinta la helay illaa hadda Magacyadooda iyo weliba Sawirrada la helay, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan Hoose oo aad kaga bogan kartaan Magacyada iyo Sawirrada aannu helnay.
Magacyada Dadka Dhintay Inta ilaa hada la Helay:-
1- Nuura Cismaan Axmed (Ina Food)
2- Nimco-dheeman (Waxay ahayd hooyo inan yar wadata)
3-Muuna Yuusuf Axmed
4- Layla Xuseen Axmed
5- Salma Muxumed
6- Xamda Maxamed Dhakhtar
7- Cabdirisaaq
8- Ciise Cali
9- Cismaan Cabdiwali Shagaxle
10- Mukhtaar Ciise
11- Axmed Aadan
12- Farduus (BURCO)
13- Ruqiya Idiris
14- Guuleed Dalmar
15- Deeq
16- Cabdicasiis Cali
17- Khadar Axmed
18- Cabdirisaaq Maxamed Case
19- Qadan Saalax Cabdilaahi
20- Nuur
21- Ubax.
22- Hodan
23- Xamda Wali
24- Maxamed Khadar
25- Tayasiir Axmed Yusuf
26- Cawaale Xawaadle
27- Koos Xusen Cali
28- C/casiis Maxamed Khadar (shiyo)
29- Sakariye Caynsane
30- Mukhtaar Laangadhe
31- Ubax Axmed Cabdiwali
32- Asad Xasan
33- Cabdicasiis
34- Bilaale Milyare dheeliye
35- Xamda Cabdilaahi
36- Warda
37- Nawaal Jibaaxe
38- Sacad Sulub
39- Axmed Shuuriye
40- Mukhtaar Ciise
41- Kowsar (Gabadhii Mukhtaar)
42- Jamaal Cabdilaahi Mataan
43- Cawil Gaardi
44- Shiine Khadar
45- Farxaan (Shoodhe Guray)
46- Muxumed Saleebaan (Socoto)
47- Kaltuun
48- Siciid Casaanyo
49-Cabdirisaaq Guray
50- Samatar Cilmi
51- Faysal Hanad
52- Maxamed Mire
53- Barwaaqo
54- Ayman
55- Maxamed Faroole
56- Baashe Faarax Jaamac
57- Khadra
58- Cawil
59- Axmed Abiib (Jano Gale )
60- Aadan.