Liiska Guulaysteyaasha Ardaydii Gashay Imtixaankii Dufcadda Labaad Ee Shaqo Qaran oo la shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin), ayaa maanta shaaciyey Liiska rasmiga ah ee Guulaysteyaasha dufcaddii labaad ee Ardaydii gashay Imtixaankii loogu soo gudbiyey Shaqo-qaran.

Agaasime Maxamed Cismaan Mu’addinka oo  maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in sannadkan Barnaamujka shaqo-qaran ay soo codsadeen arday ku dhaw Afar kun oo Arday, kuwaas oo galay Imtixaankii lagu kala saarayey, islamarkaana ay kusoo baxeen 1000 (Kun) guud ahaan dalka oo dhan, kuwaas oo noqon doona guulaystayaasha rasmi ah ee Barnaamujkaas ka faa’iidaysan doona.

Agaasimaha Barnaamujka Shaqo-qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan Waxa uu ugu horrayn u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay Imtixaankaas, isaga oo guulaystayaasha, gaar ahaan wiilashana u diray baaq ku aaddan muddada ay soo xeroon doonaan, waxana uu yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa hawlwadeenadii Imtixaankaas qaadistiisa, sixidiisa iyo soosaaridda natiijadiisaba ka qayb qaadatay ee xafiiska imtixaamaadka qaranka iyo guud ahaan wasaaradda waxbarashadda iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay inay natiijadaasi soo baxdo, Wiilasha ku guulaystay imtixaanka shaqo qaran waxaan u sheegayaa inay soo xaroon doonaan maalinta arbacadda ee todobaadkan goboladda Awdal, Gebilay, Maroodijeex iyo Saaxil, goboladda Togdheer,Sool,Sanaag iyo Badhan waxay soo xaroon doonaan maalinta khamiista ee isla todobaadkan.”

Ugu dambayntii waxa uu agaasimuhu ugu baaqay dhammaanba guddoomiyayaasha gobollada kala duwan ee dalku inay ardayda guulaysatay kusoo xareeyaan xarunta Tabobarka ee Darar-weyne. “ Waxaanu ka codsanaynaa guddomiyayaasha goboladda inay iyagu soo kaxeeyaan oo soo hor-galaan ardaydda oo ay ku wareejiyaan xarunta tababarka shaqo-qaran ee Darara-weyne.” Ayuu yidhi Mudane Mu’adin.