Liberland oo bogaadiyey Xidhiidhka Dibloomasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Liberland, ayaa ku hambalyeysay Somaliland iyo Taiwan xidhiidhka dibloomasiyadeed ee u furmay iyo xafiisyada ay labada waddan is-weydaarsadeen.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Joseph Wu, ayaa horaantii bishan Caasimadda Taipie si wada-jir ah ugu daah-fray xafiiska Somaliland ee Taiwan. Sidoo kale dalka Taiwan, ayaa xafiis ka furtay caasimadda Hargeysa 17-kii August ee sannadkan munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wakiilka Taiwan.

Sida aanu ka soo xigannay Warbaahinta Liberland Press, Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberland, Thomas Walls, ayaa ku hambaleeyey labada waddan xafiisyada dibloomaasiyadeed ee ay is-weydaarsadeen.

“Liberland waxay ku bogaadinaysaa Somaliland iyo Taiwan furitaanka xafiisyada wakiileed ee labada dal. Waa tallaabo ku dhiirrigelinaysa Liberland inay aragto saaxiibadayada labada waddan inay xoojiyaan xidhiidhkooda iskaashi. Labada qaranba waxaa ka go’an nabada iyo barwaaqada, iyo kordhinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi, waxay si ficilah ugu dhaqmayaan madax-bannaanidooda. Liberland waxay xidhiidh aad u wanaagsan la leedahay Somaliland, waxaananu rajeyneynaa inaan kan oo kale la yeelano Taiwan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberland oo u warramay Liberland Press.

Waddanka Liberland ayaa noqonaya dalkii ugu dambeeyey ee ka hadla xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo ay hore xidhiidhka labada waddan u soo dhaweeyeen waddamo dhowr oo beesha caalamka ka tirsan.

Liberland, ayaa ah waddan madax-bannaan oo ku yaalla qaaradda Yurub, gaar ahaan dhexeeya dalalka Croatia iyo Serbia. Waddankan oo aanu wali aqoonsi ka helin beesha caalamka, ayaa laga aasaasay dhul sannadkii 2015-tii. Haseyeeshee, dalkan ayaan xubin ka ahayn Ururka Qaramada Midoobay, waana waddan sida Somaliland iyo Taiwan dedaal ugu jira aqoonsi uu beesha Caalamka ka helo.

 

Somalilandpost.net