Lawyo-caddo: Wiil Ka Sheekeeyay Sida Uu U Dhacay Kufsi iyo Jidh Dil Loo Gaystay Dhalinyaro Jabuuti Ku Socday

Hargeysa(SLpost) Kiiska laba hablood oo la sheegay in lagu kufsaday deegaanka Lawyacaddo ayaa laga dayrinayaa dhaqaajintiisa,waxaanaa xidhan dhawr iyo toban eedaysane oo loo qabtay falkaa, isla markaana Gudoomiyaha Gobolka Sellel ayaa la tilmaamay inuu faragelin ku hayo socodsiinta caddaalada ee kiiskaa.

Siday tibaaxeen warar uu wargayska Ogaal ka soo xigtay illo ku sugan Saylac iyo Lawyacaddo, waxa weli ku xidhan Saylac dhawr iyo toban nin oo loo qabtay falkaa kufsiga oo la sheegay in lagula kacay laba hablood oo ka mid ahaa dad doonayay inay u gudbaan dhinaca dalka Jabuuti 09.dec.2015, kuwaasoo ka tegay magaaladda Hargeysa.

 Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in Badhasaabka Gobolka Sellel uu caqabad ku noqday qaabkii socodsiintaa kiiskaa, isla markaana ilaa hadda aan wax talaabo ah loo qaadin dhanka sharciga oo aan raggaa la horgaynin maxkamadda.

 Kufsiga la sheegay in lagula kacay labaddaa hablood ka sokow waxa dhaawacyo la gaadhsiiyay laba wiil oo ay isku lug ahaayeen oo ay ka wada safreen Hargeysa, isku yoolna ahaayeen. Mid ka mid ah wiilasha la socday hablahaa la kufsaday oo weli ku sugan Lawyacaddo, sugayana cadaalad oo la soo xidhiidhay wargeyska Ogaal, isla markaana codsaday in aan magaciisa la faafin ayaa ka war bixiyay wixii ku dhacay iyo ilaa hadda sida xaalkoodu yahay.

Wiilkaa oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “waxay ahayd 09.Dec. 2015, waxaanu joognay Lawyacaddo, waxaanu doonaynay in aanu tagno Jabuuti, fiidkii ayaa niman Magafe ah ayaa na kexeeyay, lacag bay naga qaateen. 11 qof ayaanu ahayn guud ahaan, waxay na geeyeen meel Lawyacaddo dhinaca koonfureed ilaa laba kiiloomitir ka xigta, Qalanqalay baa la yidhaa meeshaa. Halkaa markay na geeyeen ayay na kala sooceen, afartayada(laba wiil iyo laba hablood) ayay na soo reebeen intii kalena way kexeeyeen, afartayadu Hargeysa ayaanu ka tagnay, dadka kalena Lawyacaddo iyo meelahaa ayay ka yimaadeen. Laba nin oo magafeyaal ah oo kuwii lacagta naga qaatay ah ayaa na kala qaybiyay. Afartayada wada soconay mooyee intii kale ayaa mid kexeeyay, anagana waa nalaga reebay, sagaalkii fiidnimo ayay ahayd, anagoo halkii nala taagay joogna, ayaa kii dadka kale kexeeyay soo laabtay, kadibna wuxuu ku yidhi kii nala joogay, ‘waar iska soco’ dabadeedna waayahay buu yidhi, inyar markuu naga sii maqnaa, kii kalena nala joogo, waxa na qabsaday weerar, waxaana na soo weeraray dhawr iyo toban. Waxaanu aragnay niman soo yaacaya, dabadeedna beerkaanu dhulka dhignay, kadibna ninkii na waday ayaa istaagay oo ku yidhi; ‘waar kaalaya’ kaalayaduu yidhi ee ay noo yimaadeen, dagaal bay nagu bilaabeen, isaguna wuu iska tegay, kuwa na waday iyo kuwa kaleba rag isku xidhan bay ahaayeen.”

 Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Madaxay wada duubnaayeen, ilaa shan iyo toban nin ayay ahaayeen ugu yaraan. Bakoorado iyo budhadh bay nala dhaceen labadayada wiil, ilaa ay dhulka na dhigeen oo aanu miyir beelayna hablaha umay gudbin. Labadayaduba koomaanu galay, waxaanu ku baraarugay eeddaanka salaada iyo MCH ka Lawyacaddo, kadib markaanu koomaddii ka soo noqonay ayaanu ogaanay in labada hablood la kufsaday, markii aanu warsanayna waxay nagu yidhaahdeen,’waxba naloolama hadhin’, anagana nabaradii way nagu yaallaan, wax naloo qabtayna ma jirto, wixii aanu haysanayna way naga dhaceen.”

Wiilkaa dhalinyarada ah oo ka sii hadlayaa arrintaasi wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi;“Ehelkayaga qaar way noo yimaadeen, way nala joogaan, kiiskiina lama dhaqaajin oo waxaanu maqlaynaa waxa hor taagan badhasaabka gobolka Cabdirisaaq Waaberi Rooble. Shan iyo tobankii nin way xidhan yihiin, waanu aragnay, waxa ka mid ah nimankii na waday. Waxaanu codsanaynaa in talaabo laga qaado raggaa na dhibaateeyay ee sidaa noo galay, nimanka awoodda sheeganaya ee taageerayana nalaga qabto. Xeer ilaalintu way timi laakiin caqabaddaasaa ka hor timi oo ah Badhasaabka Sellel iyo Taliyaha qaybta Booliska.”

Dhanka kale xoggo aanu ka helay illo kale oo ku sugan Saylac iyo Lawyacaddo, ayaa tilmaamay in Badhasaabka Gobolka Sellel Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gob. Awdal ay doraad tageen Jabuuti, balse uu shalay badhasaabku ka soo laabtay, isla markaana badhasaabka oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka si aanu wax uga waydiino eedaymahaa loo jeedinayo nagamuu qaban.

Source: Ogaal