Labada Kuuriya oo madaafiic is-dhaafsaday

Kuriya(SLPOST)Gantaalo kasoo dhacay Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inay kusoo dhaceen biyaha iyo nawaaxiga jasiiradaha ay maamusho kuuriya Koonfureed taasi oo keentay in dalkaasi kaga jawaabo madaafiic kale.

kuuriyada_

Shacabka ku dhaqan jasiiradaha hoos yimaada dalka Koonfurta Kuuriya ayaa la daad gureeyey kadib markii wadanka Kuuriyada Waqooyi uu bilaabay dhoolatus ciidan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dhoolatuskeeda uu jawaab u yahay dhaq dhaqaaqa ay todobaadyadii lasoo dhaafay wadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa K/Kuuriya oo si wadajir ah u sameeyey dhinacooda ciyaaro iyo dhoolatus militari.

Dhamaan duqeymahan maanta ay labada dhinac is dhaafsadeen ayaa la sheegay in xoogooda ay ka dhaceen dhanka bada iyo biyaha u dhaxeeya labada wadan, mana jiraan cid wax ku noqotay.

Â