Laba Tareen Oo Isku Dhacay Dalka Jarmalka Ayaa Sababay Inta La Ogyahay 100 Qof Dhaawacooda

Jarmalka(SLpost)-Waxaa isku dhacay labo tareen oo nooca xamuulka qaada ah oo marayay gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka, booliiskuna waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

160108165311_german_police_officers_512x288_ap_nocredit

Goobta uu shilku ka dhacay waxay ku beegan tahay meel 60km dhinaca koonfur bari ka xigta Munich.

Warbaahinta Jarmalku waxay tabisay in mid ka mid ah tareenadaasi uu khadka kabaxay.

Waxaa la rumaysanyahay in labada tareen ay madaxa isku dhufteen. goobta uu shilku ka dhacay waxaa gaaray diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gurmadka dagdaga ah.

ilaa iyo hadda lama hubo tirada rasmiga ah ee ku dhaawacantahay laakiin qoraal ay booliisku Twitterka ku soo qoreen oo af Jarmal ah ayaa lagu sheegay in ay ku dhaawacmen dad boqol qof ku dhaw.