Laba Qof oo xalay siyaabo kala duwan ugu geeriyooday Laascaanood iyo Maamulka Gobolka Sool oo ka hadlay

Degmada Laascaanood
Degmada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxa xalay siyaabo kala duwan ugu geeriyooday Laba qof oo midkood yahay Askari ka tirsan Ciidanka Asluubta oo uu si ku-talo-gal ah u toogtay Askari kale oo ay goob ka wada-shaqaynayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdiqani Maamuud Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka dilkaasi u dhacay iyo sidoo dhaawac ka soo gaadhay Askari kale.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Asluubtu uu toogasho ku dilay Askari kale oo ay isku ciidan yihiin oo khilaaf dhexmaray, halka askari kale oo Marxuumka dhintay la joogayna dhaawac soo gaadhay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Askari dilka geystay uu isla markiiba ka baxsaday goobta, baadi-doonkiisana ay ku raad-joogaan Ciidamada Ammaanka, sida ugu dhakhsaha badanna u horkeeni doonaan sharciga.

Dhinaca kale, waxa xalay magaalada Laascaanood ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kaddib markii uu qabsaday Xadhig Korontada ee Biitooyada Jidadka magaalada, iyadoo wakhtiga shilkani dhacay roob ka da’ayey magaalada.

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA LABADA DHACDO EE XALAY KA DHACDAY MAGAALADA LAASCAANOOD

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net