Laba Ka mid ah Shirkadaha Caalamiga ah ee Farsameeya Gaadiidka Oo Heshiis Ku Dhexmaray Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-   Magaalada Hargeysa waxa uu heshiis wada shaqayneed ku dhexmaray labada shirkadood ee Toyota S3 iyo Sino Truck. Kulankan oo maanta ka qabsoomay Xarunta Shirkada Toyota s3, waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta labada shirkadood oo isugu jira muwadiniin iyo Ajaanib.

Sino Truck oo ah shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, soona saarta  gaadiidka Xamuulka ah oo Xarunteeda qaaradda Afrika ku taalo magaalada Nairobi, ayaa markii u horaysay xarun ka furanaysa Somaliland iyada oo ay wakiil ka tahay shirkada kale ee Gaadiidka Toyota S3 qaybteeda Somaliland.

china-1Ugu horayntii, waxa kulankaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Qaaradda Africa u qaabilsan shirkadda Sino Truck, Qin Yang iyo Madaxa Iibka ee Africa Mr Zhang Yuzong, waxanay sheegeen in Shirkadoodu tahay mid heer Caalamiya Sanadihii u danbeeyayna siwayn kor ugu qaaday Suqeeda Africa, iyada oo wadamada ugu badan ku leh Xarumo halka ay kuwa kalena ku leeyhiin wakiilo iyaga metala.

Guddoomiyaha Nino Truck ee Africa oo ugu horayn halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa hadaladisii “Shirkadayadu waa mid caalamiya xaruma badana ka furatay Africa, waxa aanu kaga duwanahay shirkadaha kale waa shaqadii lagaga qabanayay wakalada debeda oo aad mid walba ka helayso xarunteeda iyada oo baaburta aad u dirsataana ay si toosa kugu imanayaan waxanay kugu adeegaysa qimaha ugu macquulsan, fariinta aan Somaliland shacabkeeda u dirayana waa in aanu u balan qaadno adeeg dhamaystiran oo ay ka helayaan xaruntayada halkan oo ay wakiil noga tahay shirkada Toyota S3”.

china-2Guddoomiyaha Shirkada Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadani wax wayn ka tari doonto gaadiid cusub oo la helo halka markii hore ganacsatadu debeda ka soo iibsan jireen gaadiid la soo isticmaalay hadaladisiina waxa ka mid ahaa “ shirkadan waa mid Caalamiya waxanay xafiisyo badan ku leedahay Africa, Somaliland-na waxa ay ka mid noqonaysa wadamada ay ka shaqayso shirkadani halkan waxa ay ganacsadu ka helayaan gaadiidkii oo toos uga soo degaaya Wakaaladii Samaysay Baaburta ay samayso shirkadani waxa kamida Baaburta Xamuulka sida iska Rogooyika, Booyadaha, Wiishashka,Dhaynayaasha, iyo Baaburta waawayn nooc kasta, waxa kale oo aan intaas ku dari laha hore waxa u jiray Baabuur xamuula oo ganacsatadu ka soo iibsatay Sino Truck, oo qarood ay wayeen Fufurkoodii marka waxan ugu busharaynaya in halkan ay ka helidoonan nooc kasta oo alaabta SINO TRUCK, iyada oo shaqaaleheena halkaas lagayn doono oo la inoogu soo tabobari doono” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan.