LAASQORAY: Faahfaahinta Dagaal Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka Maamul-goboleedka Puntland

 

Hargeysa (SLpost)- Wararka ka imanaya magaalada Laasqoray oo ka tirsan Gobolka Badhan, ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwo ka socday maamul goboleedka Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo warbaahintu wax ka waydiiyeen inuu wax kaga kordhin karo dagaalkaasi ka dhacay Laasqoray maadaama oo deegaanadaasi uu ka soo jeedo, ayaa sheegay in dagaalku ka bilaabmay kaddib markii malleeshiyaad ka tirsan Puntland ka daba-tageen Badhasaabka Gobolka Badhan oo safar ugu baxay Laasqoray, halkaana uu dagaal ku dhexmaray Ciidamadii la socday Badhasaabka iyo kuwii Puntland.

Isagoo arrimahan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Arintaasi way jirtaa badhasaabka gobolka Badhan ayaa wuxuu safar ku tagay Laasqoray kadib waxa ka daba tagay niman Puntland sheegayana oo deegankayaga faragalin ku waday oo aanu ka indho qarsanaynay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya, “Baryahanba waxaad moodaa in faragalin toos ah ku hayaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaana masuul ka noqonaya cidii nabadgalyo daradaasi la timid wixii halkaasi ka dhaca,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Sahal Maxamed Jaamac.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray labada dhinac, balse waxa ay wararku intaa ku darayaan in xaaladdu ay hadda degan tahay.