Laascaanood: Wasaaradda Hawlaha Guud oo bilowday Olole Kor loogu qaaday Bilicda Caasimadda Gobolka Sool

Laascaanood (SLpost)- Wasaarada Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ka bilawday bilic-soo-celinta faras-magaalaha caasimadda Gobolka Sool, taas oo lagu banaynayo dhismayaasha sandaqadaha ka samaysan ee ku teedsan waddooyinka.

Waxaana hawlgalkaasi lagu arkayey gaadiidka cagafyada ee Wasaarada Hawlaha guud oo ku hawlan sidii ay u banyan lahayd goobaha ay ku yaalaan dhismayaasha jiingadaha oo iyagu gudaha usoo galay wadada isla markaana bilic xumo iyo si habaqle ah la iskaga dhistay.

Eng. Maxamuud Maal Cali oo ka tirsan wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland,  ayaa ka warbixiyey halka ay marayso shaqada ay wadooyinka Laascaanood ka bilaabeen maanta waxaanu yidhi, “Ilaa saaka waad nala socoteen hawlgalka aanu ku jirnay nadiifinta wadada wadnaha ayuu ahaa si fiican ayay noogu socotaa, wax dhibaato ah kalamaanaan kulmin, waxaan aad ugu digayaa dadweynaha inta hadhay ee aanu maanta digniinta siinay ilaa 2:00pm ilaa 5:00pm galabnimo inay ku dhamaystirnaan, wixii hadhayna inaanu aroorta gali doono oo aanu soo gabogabayn doono oo suuqii sidaa nadiif ku noqon doono.”

“Bilicda soo baxday way idiin muuqataa dadweynahana, waxaanu u sheegaynaa in aanu anagu ka talinayno uun, wanaaga magaalada Laascaanood inay wixii hadhay alaabta ka gurtaan, aroortana waanu dhamaystiraynaa,” ayuu yidhi Engineer Maxamuud Maal Cali oo ka tirsan Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.