Laascaanood Oo looga Soo Hanjabay Hargeysa, Jabuuti Iyo Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Maleeshiyaadka Huwanta ah ee ka dagaalamaya magaalada Laascaanood oo taageero ka helaya kooxaha argagixisada ah, ayaa maanta ku dhawaaqay hanjabaad daboolka ka qaadday qorsheyaasha ka dambeeya duullaanka haybta ku dhisan ee lagu soo qaaday xarunta gobolka Sool.

Malleeshiyaadka Huwanta ah oo la rumaysan yahay inay duullayaan qorsheyaal wejiyo badan oo ku tamarinaya maalgelin dhaqaale oo ay dibadda ka helayaan, ayaa nidar ku maray inay magaalada Laascaanood ka xoreynayaan Ciidamada Qaranka Somaliland oo toddobaadyadii u dambeeyey dagaallo khasaare sababay ku dhexmareen magaaladaas.

Malleeshiyaadka huwanta ah oo dhowr maalmood oo ku maqnaa dhirbaaxo kulul oo ay kala kulmeen ciidanka Qaranka kaddib markii ay fadhiisimadooda ku weerareen, ayaa maanta weerar tuur-tuuris ah ku qaaday ciiwaanka Qaranka, in kasta oo aanay u badheedhin inay weerar toos ku qaadaan sababo la xidhiidha cabsi ay ka qabaan inay mar kale ciidanka qaranka kala kulmaan dhirbaaxo la mid ah tii toddobaadkii hore soo gaadhay oo ay aanay illaa hadda ka soo kaban.

Advertisement

Qaar ka mid ah malleeshiyaadka oo ka hadlay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ku gooddiyey inaanu dagaalkoodu ku koobnaan doonin gobolka Sool, balse ay weerari doonaan magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti oo ay sheegeen inay xoreyn doonaan.

Hanjabaadda malleeshiyaadka oo dareen ahaan metesha ama la mid ah kuwa kooxaha xagjirka ah, ayaa si toos ah loogu abbaaray dalka aynu deriska nahay ee jabuuti oo ay ku eedeeyeen inuu gacan siiyo wax ay ku tilmaameen cadowga islaamka iyo dhaqdhaqaaqyada islaamig ah ee ka jira Soomaaliya, maadaama weerarrada ay diyaarada Maraykanka ee lagu bartilaameedsado kooxda Alshabaab ka soo kacaan saldhigga Milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Hanjabaaddan oo muujinaysa awoodda kooxaha xagjirka ahi ku leeyihiin gudaha Laascaanood, ayaa sidoo kale soo bandhigaysa damaca kooxaha xagjirka ah iyo sida taliska ciidamada Maraykanka ee Jabuuti bartilmaameedka ugu yahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka hore ugu soo bandhigtay inay kooxaha Xagjirka ah ee Alshabaab iyo Daacish ku jiraan maleeshiyaadka huwanta ah ee ciidamada Qaranka kula dagaalamaya magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa laba toddobaad ka jor soo bandhigtay shaqsiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaas oo Maxaabiis ahaan loogu soo qab-qabtay dagaalka magaalada Laascaanood ku dhexmaraya ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka huwanta ee isku urursaday magaaladaas.

Muuqaalka Hoose ka daawo maleeshiyaadka huwanta oo Ka Soo Hanjabaya Faras-magaalaha Laascaanood.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Follow us On