LAASCAANOOD: Natiijada Ciyaar Dhexmartay Kooxo ka dhisan magaalooyinka Burco iyo Xarunta gobolka Sool

Laascaanood (SLpost)- Laba Kooxood oo ka kala dhisan magaalooyinka Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa ciyaar Saaxiibtimo ku yeeshay garoonka kubadda Cagta Cabdi-Bile ee magaalada Laascaanood.

Cabdi-DileCiyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan isla markaana qancisay dadweynihii daawshadeeda ka qayb-galay, ayaa dhexmartay Kooxda Al-Cayn oo ka dhisan Burco iyo Kooxda STG oo ka dhisan magaalada Laascaanood, waxaana daawashadeeda ka qayb-galay dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanoo doo kala taageersan labada Kooxood.

Halkan ka daawo Natiijada Ciyaarta