Laamaha Ammaanka Somaliland oo lagu amray in Muwaadiniin & Ajaanib La weydiiyo Kaadhadhka Dhalashada iyo wakhtiga la bilaabayo

Hargaysa (SLpost)- Ciidamada Booliska, Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa amar lagu siiyey inay todobaadkan gudihiisa guud ahaan dalka oo dhan laga bilaabo olole lagu saarayo muwaadiniinta iyo Ajaanibka dalka ku sugan, sida lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland  mudane  Cali MAxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland .

War-qoraal xambaarsan wareegtada wasiirka oo maanta ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 11-ka bishan May la hirgelinayo olole dadka lagu weydiinayo Kaadhadka dhalashada, iyadoo ujeeddada tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo ammaanka dalka maadaama wakhti kooban ka hadhsan tahay xuska munaasibadda maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland    isaga  oo  ogsoon  in  ilaalinta  nabadgalyadu ay  tahay  ahmiyada  Koowaad ee qaranka  waxaa  lagama maarmaan ah  in aynu  adkayno la socodka  dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta  ah iyo kuwa Ajaanibka ah.

Sidaas awgeed  waxaa  la bilaabayaa olole lagu  baadhayo dadka  laguna  kala saarayo  Qofka   muwaadinka  ah  ee sita  Kaadhka aqoonsiga  Dhalashada   ama  Kaadhka  Degenaanshaha  ajaanibka. Waxaanay  ciidamada amnigu  billaabi  doonaan  Baadhis  Iyo In Dadka La Joojiyo  iyadoo  baabuurtana lagu  joojin  doonaa  waddooyinka.

Waxaana  Dadkaa la weydiin  doonaa

1-      Kaadhka  Aqoonsiga Muwaadinka

2-      Kaadhka  Degenaanshaha  Ajaanibka

Hadaba  waxaa la idin  farayaa  in aad u  diyaar garawdaan  habeenka  arbacadu soo galayso ee bishu  tahay  11/05/2016 iyada  oo ay  hawshan  ka qayb  gali  doonaan  Ciidamada Boliska, Waaxda  socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda Daakhiliga.