“Kuwa Xumaanta Ka Shaqeeya ee Jecel in Somaliland Dib u dhacdo inaad ka Hadhaan baan Jeclaan lahaa”

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa dhalinyada dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa ugu baaqay inay la dagaalamaan aafada Qabyaaladda oo uu tilmaamay inay khatar ku hayso mustaqbalkooda iyo wada-jirka bulshada.

Maayir Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyey gunaanadkii bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo habeenkii Jimcaha la soo xidhay, waxa uu dhalinyarada u soo jeediyey inay meel uga soo wada-jeestaan cadowga Somaliland iyo cid kasta oo ku hawlan inay hadimo u geystaan horu-socodka Somaliland.

Hadalka Maayirka oo xambaarsan khudbad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa, kaga bogo muuqaalka Hoose