Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaalo Riday Xili Maraykanka Iyo Shiinihu Ay Ka Wada Hadlayaan Nabada Caalamka

Kuuriyada Waqooyi(SLpost)-Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay badda ku ridday gantaal kale, gaar ahaanna xeebaha bari ee dalkaasi.

Arrintani ayaa ku soo beegmayso xilli madaxweyne Obama uu martigelinaya shirk a dhacaya Washington oo ay ka qayb galayaan Shiinaha iyo waddamo kale, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaraya amniga caalamka.

Gantaalkaasi ay haatan ridday Woqooyiga ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay tiro sawaariikh ah oo xukumadda Pyongyang ay tijaabisay, arrintaasi oo xiisad ka abuurtay gobolka, xilli horraantii bishii Janaayo ee sanadkan ay Kuuriyada Woqooyi tijaabisay hubkeeda niyuukleerka.

Kulanka ka socda Washington ayaa madaxweyne Obama waxa uu ka sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay ka go’antahay in gacanka kuuriya uu noqdo mid ka caaggan hubka niyuukleerka.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si dhab ah loo dhaqan geliyo xayiraadihii ka dhanka ahaa Woqooyiga ee dhawaan lagu heshiiyay.

Ruushka oo ah waddanka labaad ee leh keydka hubka niyuukleerka caalamka ayaan ka qaybgalayn shirkaasi.