Kuuriyada Waqooyi Oo Dagaal Hubka Nukliyeer La Adeegsado Ugu Hanjabtay Maraykanka

Us(SLpost)Kuuriyada Woqooyi ayaa ugu hanjabtay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay ku qaadi doonto weerar lagu hoobto oo hubka Nukliyeer ka ah, ka dib markii ay bilaabeen dhoola tus milatari oo aan noociisa hore loo arag.

hub

Dhoola tuskan waxa ka qayb qaadanaya in ka badan 30,000 oo askari waana mid sannad le ah oo had iyo goor kiciya xiisad.

Warbixin ay soo saartay Pyongyang ayaa lagu sheegay in “ay qaadi doonto weerar xaq ah oo Nukliyeer ah”.

Hadallada noocan ahi ma aha kuwo cusub, khubarada arimahan la socdana waxay shaki galiyeen awoodda ay Woqooyiga Kuuriya u leedahay in ay gantaaladeeda ku rakibi karto madaxyo Nukliyeer ah.

Woqooyiga Kuuriya waxay u aragtaa dhoola tuskan sannadlaha ah ee ay qabtaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inuu yahay mid la isugu diyaarinayo weerar lagu qaado.

Sannadkii horena waxay ku hanjabtay inay ‘ololin doonto’ Washington.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee Koonfur Kuuriya ayaa uga digtay Pyongyang in ay qaado fal bur bur u horseeda. “Haddii ay Kuuriyada Woqooyi iska dhego tirto digniintanada oo ay na daandaansato, ciidamadanada ayaa si bilaa naxariis ah oo adag ugu jawaabi doona” ayuu yidhi Moon Sang-gyun oo ah af-hayeenka wasaaradda gaashaan dhigga.