Kuuriyada Waqooyi Ayaa Golaha Amaanku uu Ku Soo Rogay Xayiraado Cusub, Waxaanay Kaga Jawaabtay Gantaalo

Hargeysa(Slpost)-Woqooyiga kuuriya ayaa dhowr gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku ridday xeebaheeda bari ee badda, arrintaasi oo u muuqata in ay uga jawaabeyso xayiraado cusub oo dheeraad ah oo golaha ammaanka qaramada midoobey uu ku soo rogay.

Gantaaladaasi la ridaya ayaa waxaa arkay militariga koonfurta kuuriya hase yeeshee gantaaladaasi halis kuma aysan ahayn bartilmaameed cayiman.

Dadka arrimahani la socda ayaa saadaalinaya in xiisadda ka jirta gacanka kuuriya ay cirka isku sii shareeri doonto, iyadoo xayiraadahaasi ay qaramada midoobey dalkaasi ugu soo rogtay tijaabadii uu tijaabiyay bishii janaayo hubkiisa niyuukleerka.