Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormooyinka 7aad iyo 8aad

Beryaha go’aankaa la gaadhayo ama la qaadanayaba, waxaan ka tirsanaa Golaha Wasiirrada. Waxaan xusuustaa maalin Madaxdii xisbiga Kulmiye nala soo fadhiisteen kulankii Golaha Wasiirrada oo Kal-fadhigaa Golaha Dhexe ee Kulmiye loo diyaar-garoobayay. Waxba ma aan qarsan ee bartii ayaan ka sheegay in aanu Madaxweynuhu shardi igaga dhigin in aan xisbiga Kulmiye soo galo si aan wasiir u noqdo, sidaa darteedna la ii tirinayo inta aan ku jirin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Maanta waxaynu markhaati ka nahay oo aynu meel walba ku arkaynaa muranka iyo is-maan-dhaafka aanay ka gurman iyo dil-dillaaca ku soo fool leh xisbigii Kulmiye ee sheeganayay in uu talada dalka hayo. Intii hoggaanka u ahayd waa ay kala hadlaysaa. Midba aragti ayuu bixinayaa, midba meel ayuu go’aan kaga dhawaaqayaa. Iyada oo aan mushkiladdii la maareyn ayaa mid kale go’aan hor leh soo saarayaa. Ma kala gar-qaataan, isuma gurmadaan, ma garramaan isumana garaabaan; haddana waxay inaga dhaadhicinayaan in ay yihiin ‘xisbal xaakimkii.’ Ma aha aragti qarsoon ee waa mid war-baahinta gelaysa oo si la yaab leh ku fideysa. Mararka aad waxan oo kale aragtaan, ma idin ku soo dhacaa beydkii Ismaaciil Mire ee ahaa:

 “Kasi waaye wuxu waa qabaal, waanad kabataan,”

Dhowr arrimood ayaa inooga baahan in aynu dul joogsanno:

1.       Soo-jeedintii aan sharciga ahayn ee Madaxweynaha

Qaar idin ka mid ah ayaa hanqalka la kici doona marka ay cinwaankan arkaan. Kuwaa waxaan ku leeyahay fadhiista oo codkiinna hoos u dhiga wax ku hadli meysaan e’. Ma mooddaan in aanu deyrkii Maka gubnay. Hoos u dhuuxa sheekada. Si kale haddii aan u dhigo, kaskay iyo garaadkay ayaan hadlayaaye, kiinna soo bandhiga.  Odhaah dhawaan-soo-bax ah ayaa ahayd: “Hadal, hadal u hollo, qalinna qalin u qaad oo laba aan is-qaban ha isku qobtolin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed xishmad iyo xaq-dhowrba waa uu inaga mudan yahay, kii uu doonaba ha ahaado e’. Qof kasta oo xilkaa loo doortaa waa in uu milgo iyo maamuusba ku mutaystaa. Ma aha in isaga oo keliya la xaq-dhowro, bal se isaguna waa in uu dadka doortay, dirtay ee daba taagan xaq-dhowrkaas mid la mid ah u hayaa. Xaq-dhowrku mid dhinac keliya u socda ma aha ee waa mid labada dhinacba u socda, weliba mudnaanta koowaad shacbiga ayaa iska leh.

Madaxweynuhu ma aha oo keliya in uu isagu kelidii ilaaliyo milgihiisa iyo maamuuskiisa, bal se innaga qudheennu waa in aynaan Madaxweynaha u horseedin xumaanta iyo ku-takri-falka hantida ummadda ka dibna isaga ku caayin. Marka hore waa in uu isagu sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaaliyaa. Intaa ka dib innaguna waa in aynu sharaftiisa dhowrnaa oo aynu ka fogaannaa wax kasta oo dhaawacaya. Xika ugu horreeyaa wuxu saran yahay inta ugu dhow ee la shaqaysa.

Xilalka iyo awoodaha Madaxweynuhu waa dastuuri oo wax mugdi iyo mad-madow ku jira ma aha. Ma jiraan awoodo qarsoon oo meel iska yaalla oo uu Madaxweynuhu hadba mid la soo baxo. Ma aha Madaxweynuhu in aynu u doonanno lacag. Ma aha in aynu Madaxweynaha u doonanno in uu ina siiyo guri dawladeed oo shacabka ku yaalla. Ma aha in aynu Madaxweynaha u doonanno in uu caafimaad dibadda ah inoo diro. Ma aha in aynu shaqo u doonanno. Isaguna in uu inaga yeelo ma aha. Waxan oo dhami waa in ay xeer inoogu jiraan oo ay caddahay cidda awoodda u leh in ay bixisaa. Madaxweynuhuna, haddii uu isu qaato in uu wax walba yeeli karo, meel fog ayaa dal iyo dadba laga dooni doonaa.

Arrintani laba ayay u kala baxaysaa:

  1. Mar ay Madaxweynayaashu iskood u sameeyaan wixii madaxooda ku soo dhaca: ilaha keli-talisnimadu ka aroorto, iyo
  2. Marar ay dadku baraan in ay Madaxweynayaashu wax walba ku tallaabsadaan,

Bal ka warrama haddii aan wax aan sidaa u sii badnayn idiin ka soo qaado Maansadii Gudgude ee Hadraawi. Sow kii lahaa:

“Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedo sare waabye,

 Gar-ma-qaatayaashiyo daadkaa, beera ruux gudhane,

 Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo,

 Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo,

 Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya,

 Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho,

 Kelidii in uu guurti yahay, maalintaa gunudye,

 Marka uu gedaan iyo gedaan, gacan-togaaleeyo,

 Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye,

 Seetada nin goostaba wuxuu, geysto lala yaabye,

 Dhaaxaa gadaal la isla tebay, wiil galbaday jeere,”

Madaxweynuhu, isaga oo aan mar qudha isku deyin in uu shushubiyo khilaafka ka dhex aloosan Kulmiye, ayuu isaga qudhiisii warqad rasmiya oo qoraal ah ka soo saaray arrintan mahadhada reebtay ee xisbigii Kulmiye ka dhex taagan.

Waa talo-soo-jeedin qoraal ah. Maalin shaqaba ma ay ahayn maalinta la leeyahay talooyin qoraal ah ayuu soo jeediyay. La ye waa 8dii bishan Maarj, 2013ka oo Jimce barakaysan ahayd goorta uu Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ka hadlaya arrimaha xisbiga Kulmiye soo saarayaa talo-soo-jeedin ah in iyada oo la raacayo Qodobka 28aad ee Dastuurka xisbiga uu Golaha Dhexe shir isugu yimaaddo oo ilaa bisha Diisambar dib loo dhigo Shirweynihii Xisbiga Kulmiye. Madaxweynuhu soo jeedintiisan wuxu ku qoray in ay dalka ka taagan yihiin xaalado xasaasiya oo maareyn u baahani.

Warqaddaa ma aan arag, war-baahintana ma ay soo gelin, bal se marka la raaco waraaqihii iyo go’aammadii aan xidhiidhsanayn ee aan lahayn baadi-soccda iyo midnimada xisbi, warqaddaa Madaxweynuhu waxay ku suntanayd: JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 oo uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Warqaddaa araggeeda maalinta qiyaame la iima soo joojiyo e’, waxa la yidhi oo looga-qaateenka kulmiye laga soo weriyay in uu Madaxweynuhu qoraalkaa ku codsaday in Shirweynaha xisbiga Kulmiye dib loo dhigo iyada oo ay jiraan hawlo qaran oo aan hawl kale laga haleelayn. Waxa kale oo uu soo jeedinayaa in dib-u-dhigistan loo cuskado Qodobka: 28aad ee dastuurka xisbiga kulmiye.

Bal hadda, idinka oo raalli iga ah aynu arrimahan is-dul-taagno:

  1. Dhibaatooyin badan ayaa la sheegay in uu taxay oo aan is-leeyahay waxa ku jiray: ka-talinta doorashooyinka is-dul fuulay, Shirkii Bisha Meey loo ballansanaa ee London iyo qaar kale oo badanba,
  2. Wuxu soo jeediyay in loo cuskado dibudhigistaa Shirweynaha Qodobka: 28aad ee dastuurka xisbiga Kulmiye oo dhigaya:

 

f. Haddii duruufo adag oo Xisbiga ama dalka la soo gudboonaada dartood ay muuqato inaan Shirweynahii caadiga ahaa ee Xisbigu qabsoomi karin xilligii uu qorshaysnaa, Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa Shirkiisa caadiga ama aan caadiga ahayn ee ugu xiga taariihda Shirweynuhu qorshaysnaa ku qiimaynaaya muddada duruufahaa lagaga gudbi karo isla markaana ka go’aan qaadanaya muddada Shirweynaha lagu qaban karo.

Si aynaan u lumin aan Qodobkan Madaxweynuhu cuskaday raacinno Qodobbada kale ee ku ladhan:

 

q. Muddada Golaha Dhexe uu Shirweynaha Xisbiga dib u dhigi karaa kama badan karto sannad.

            k. Muddada Shirweynaha Xisbiga dib loo dhigay waxa xilka Xisbiga sii haynaya Guddoonka Xisbiga, Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta Xisbiga ee xilka haya,

Soo-jeedintii Madaxweynaha ee daarranayd ama ku saabsanaydba dib-u-dhigista Shirweynaha xisbiga Kulmiye waa taas. Haddaba maxaynu ka odhan karaynaa innaga oo aan cidna u jeedin, cidna ka jeedin, cidna la jeedsan?

  1. Awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kuma jiraan qodobbo sharciya oo uu kaga talin karaa Shirweynayaasha xisbiyada,
  2. Kol haddii uu Madaxweynuhu xilkii Guddoomiyennimo ee xisbiga Kulmiye iska wareejiyay oo uu ka doortay in uu Madaxweyne nqodo, milgihiisa ma ay ahayn in uu ka taliyo ama talo ka dhiibto goorta uu qabsoomayo shirweynaha kulmiye,

Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye ee uu Madaxweynuhu soo-jeedintiisan qoraalka ah ku cuskaday hore ayaa loo adeegsaday sida la sheegayo, oo mar kale Golaha Dhexe ee Kulmiye ma adeegsan karo, hadda qoraal kuma hayo ee looga-qaateenkooda Kulmiye ayaa dhammaantood sidaa isku raacsan,

 

Ma hadal ayuun baa la hayn! Xanaftii iyo xadaafiirtii ka dhalatay doorashadooyinkii Golayaasha Degaanka ee 28kii Noofambar, 2012kii ayaa weli taagan? Goor ma ayaa la maareynayaa? Ma circa ayaa looga imanayaa? Tii hore oo taagan ayaa tu’ kale ku darsantay? Murugsanaanta iyo is-maan-dhaafka taagani waa muush. Cid batrool ku sii darta mooyi e’, cid maaro u haysa ama ka werweraysana lama hayo. Maalintii timaaddaba waa mid kale, mid hor leh iyo mid kale, mid curad ah iyo mid kale. Waa tusbax aan dhammaanayn.

 

Sow tii Timacadde ina lahaa lixdannadii:

 

“Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,”

 

Awoodaha Madaxweynuhu waa Dastuuri oo waa ay qoran yihiin. Awoodahaa uu Dastuurku u qeexay kuma jirto in uu ka taliyo Shirweynayaasha Kulmiye iyo goorta la qabanayo. Madaxweyne Siilaanyo xil Guddoomiyeennimo kama hayo xisbiga Kulmiye, awood xeerka ugu qoran oo uu kaga arrimiyo goorta Shirweynayaasha xisbiga Kulmiye la qabanayaana ma jirto. Madaxtooyadu waa xarun xukuumadeed oo dal iyo dadba u dhexeysa. Xataa, Madaxweynaha waqtigiisa ayaa dadka ka dhexeeya oo ay tahay in uu si caddaalad ah ugu qaybiyo. Werwerkiisu waa in uu noqdaa dalka iyo dadka ee ma aha in uu xisbi uu kursiga ku soo fuulay oo uu xilkiisii wareejiyay isku mashquuliyo. Mise damac danbe ayaa ugu hadhay. Xaq ayuu leeyhay in uu mar labaad Madaxweynenimo siu sharraxo isaga oo raacaya xeer iyo xaagaan wixii ummad ahaan inooga yaalla.

 

Ma aan sheegin mana diidin in uu odeygu si dadban oo qarsoodiya uga talo-bixiyo xisbigii uu ka soo baxay ee uu Guddoomiyannimadiisa ka doortay Madaxweynenimada. Taa cidina uma diiddana oo malahayga ku qabsan meyso. Madaxweynuhu waa dhex. Dal iyo dadba waa u dhex. Mid doortay oo u codeeyay iyo mid diiday oo ka codeeyayba waa u dhex.

 

II. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye:

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa soo saaray go’aan uu ku baahinayo xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Aniga oo soo xiganaya wargeyska Waaheen: Tirsiga 6aad, cadadka 1051aad, oo soo baxay maalin Isniineed oo ay Bisha Maarj ahayd 18, 2013ka, waxay qortay:

“Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa u faadhumaysanaya (diyaarinaya) ku-dhawaaqidda cayimaadda rasmiga ah ee wakhtiga Shirweynaha xisbigu qabsoomayo, iyaga oo sida uu Guddoomiyaha xisbigu ku iclaamiyay war-saxaafadeed uu ku cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe 11/4/2013ka.”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, marka la raaco dastuurkoodu waa uu isugu yeedhi karaa shir Gole Dhexe (Tix-raac Qodobka 30aad ee Dastuurka Kulmiye):

  1. Shirka Golaha Dhexe ee aan caadiga ahayn waxa isugu yeedhi kara:

b. Guddoomiyaha Golaha Dhexe,

t. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ka dib marka ay qoraal saxeexan ku codsadaan saddex meelood meel (1/3) tirada Guddiga Fulinta ee heer qaran, ama afar meelood meel (1/4) tirada Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa weliba intaa u raaca in Shirweynaha xisbiga Kulmiye muddo sannad ah dib loo dhigi karo. Arrintaana waxa loo cuskanayaa Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye oo sidaa dhigaya.

Kaasina waa nabar kale.

Halkaa marka xaal-marayo ayuu Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye soo saarayaa qoraalkan hoos ku qoran, isaga oo ku sheegaya shirkiisaa jaraa’id in Hoggaanka xisbiga oo la tashaday Guddida Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ay iyaguna dhinacooda ka soo saareen go’aankan:

“Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.

Ø Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu. Allaa Mahad leh.”

Waa nabarkii saddexaad.

Hadda waxaynu ka hadlaynaa waa xisbi keliya oo intan go’aammada soo saaraysaaba meel qudh ah  wada joogaan. Meeshu waa ceelka Herer ee Hargeysa.

Ma laga yaabaa in qaarkiin is-leeyihiinba ninkan/odeygan Boobe maxaa waxan daba dhigay ee uu isugu mashquulinayaa? Anigu xisbiga Kulmiye kama tirsani, xisbi kalena kuma jiro. Waxaan is-leeyahayba weligaa ma aad gasheen. Laakiin qof muwaaddin ah ayaan ahay oo garaadkiisii iyo garashadiisiiba la caayayo. Waxaynu ku qasban nahay in aynu waxyaabahan iyo wixii kale ee la mid ahba ka gilgilanno oo garashadeenna iyo fahamkeennaba muujinno.

Waxaynu ku qasban nahay in aynu Xukuumadda iyo Dawladda ku ilaashanno in ay Dastuurkii Qaranka ee aftida loo qaaday ku shaqaynayaan oo ay ixtiraamayaan. Waxa kale oo aynu ku qasban nahay in aynu xisbiyada Qaranka ku ilaashanno Dastuurrada iyo xeerarka ay iyagu dhigteen ee aynaan inteenna aan ka tirsanayni la qorshayn lana agaasimin. Xisbiga Dastuurkiisa ixtiraami waayaa, mid Qaranna ka cabsan maayo mana ixtiraami doono, innagana haadaan aynaan arkayn ayuu inagala boodi doonaa.

Ha moodina hana u qaadanina in aynu ka hadlaynno xisbi arrimihii. Xaashaa lillaah! Waxaynu ka hadlaynaa waa aayaheennii, waa aayihii dalkan iyo dadkan tabaalaysan ee gurmadka u baahan ee aan u baahnayn gorgortanka, gaaf-wareegga iyo go’aan-qaadashada gurracan ee weliba siyaasadeed.

Waa halkii uu Shahiid Aadan Sheekh Maxamed oo Aadan-shiine loo yaqaannay 1987kii ka odha jiray: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daadanayo.” Aniguna maanta halkaa Aadan Shiine taagnaa halkeedii ayaan joogaa oo waxaan leeyahay: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daatay.” Shahiid Aadan-shiine iyo shuhadadii kalena haddii ay nool yihiin, sidaas ayay odhan lahaayeen, dhammaantoodba Ilaahay ha u wada naxariisto e’.

 

(La soco……………………………………)