Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? – Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale ~ Q. 4aad iyo 5aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Shirweynayaasha SNM waxa ka qayb-geli 151 ergey, kii lixaad oo 314 ergey ka qayb-galeen mooyaan e’. Golaha Dhexe wuxu ahaan jiray 1/3 tirada ergooyinka Shirweynaha oo marna ilaa 47 ayay ahaayeen, markii danbena 99 xubnood. Guddida Joogtadu waxay ahayd 1/3 Xubnaha Golaha Dhexe oo kama ay badnayn 15 Xubnood. Guddida Fulintu waxay ahayd ½ Xubnaha Guddida Joogtada oo ahayd 7 Xubnood. Sidaas ayay SNM u kala qallayd oo aanay waxba isku huursanayn, qarsoodina u ahayn. Lix Shirweyne oo ay SNM yeelatay mid waliba waqtigiisii ayuu ku qabsoomay marka laga reebo laba:

  1. Shirweynihii 3aad oo ku qabsoomay magaalada Harar bishii Juulay 1983kii wuxu dib u dhacay laba bilood,
  2. Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay Harar si qaldan oo aan sharciga SNM waafaqsanayn ayaa dib loogu dhigay lix bilood, waxaanu qabsoomay bishii Maarj, 1987kii. Shirweynahan dibudhiggiisa hoggaankii markaa jiray halkii uu Golaha Dhexe ka fadhiisin lahaa si ay go’aan dibudhigid ah u qaataan, wuxu ka door-biday in xubin kasta oo Golaha Dhexe ku jirtay halkeeda lagaga soo saxeexo in ay Shirweynaha dib u dhigaan. Xataa qaar dibadaha joogay ayaa tilifoon lagaga saxeexay. Waa se laga nool yahay maanta,

Hadda SNM, dibuxoreyntii ka dib waa ay u digo-rogan karaysay Xisbi siyaasadeed oo dal iyo dadba ka dhexeeya. Inta keliya ee ay ahayd in la sameeyaa waxay ahayd in la isugu yimaaddo Shirweyne ay Somaliland u dhan tahay oo dib loo nakhtiimo Dastuurkii iyo Barnaamajkii Ururka. Shaki igagama jiro in uu noqon lahaa Xisbiga ugu fiican ee ka jawaabi kari lahaa rabitaanka bulshada reer Somaliland oo dhan. Hodannimadii waayo-aragnimadiisuna ma ay lunteen. Dadkuna waa uu wada sheegan kari lahaa, oo cid laga sheegto ama ka diddaa ma jirteen. Guulihiisii ayaa dadka oo dhan u wada suntanaan lahaa. Dibad loogama iman ee intii ku soo dhabar-jabtay ee ku soo tacabtay ayaa hagratay oo u qaadatay in aanay SNM iib-gelayn. Fikrad been ah ayay taasina ahayd, oo wax SNM ka shishlaa oo ka awranaa oo seylad siyaasadeed la geeyaa ma jirin. Markaa iska illow e’, maanta oo aynu marayno 2013kii ayaanay jirin cid SNM dhaantaaba. Hoggaamiye curin iyo hal-abuur leh oo aragti fog ayaa la dabbaalan lahaa. Intii ehelka u noqon lahayd ayaa u qaadatay in aan taageero laga helayn beelihii aan ka tirsanayn. Taasina waa fikrad been ah, oo haddii aan dadka laga sheegan oo aan shakiyo la aburin dadku waa uu wada sheegan lahaa. Fursad qaaliya oo ina seegtay weeyaan. Sidoodaba, fursaduhuna waa ay ku soo maraan ee ma soo noqdaan.

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa dhaabadihii la dhigay iyo dhaxalkii hodanka ahaa ee dal iyo dadba looga tegay.

Inta aanan u gelin, qaybtan kale ee qormooyinkaygan taxanaha ah ee gaaban oo ku saabsanaan doonta ‘Aragtida Caalamiga ah ee Xisbiyada siyaasadeed’, bal hadda aan intii hore idiin ku karo dareen-celin kooban oo uu ii soo diray mid ka mid ah akhristayaashu oo ah Axmed Yuusuf Ducaale, waxaanu yidhi ama ii soo qorayba:

“Hi Boobe. Qaybtii u horeysay, taxanahan aad bilowday, waxaad xustay in SNS-ta xarunteedu ahayd Burco. Haddii aanan khaldanayn waxaan u haystay markii hore in xarunta SNS-tu ay ahayd Hargeysa, laakiin 1947kii annaga oo fasax ah, ahna koox arday ah ayay SNS-tu na geysay Jigjiga. Waxaanu ka qayb-gallay oo aanu nashiidooyin Carabiya ka akhrinay, xaflad lagu sagootiyayay Mr. RR Darlington (Gacma-dheere) oo laga beddelay shaqadii DC-nimada ee Jigjiga. Sannad ka dib ayuu isaga oo macallin ah Sheekh noogu yimid. Waxaan uga gol leeyahay waxa Xafladaa ka hadlay Muuse Cabdi Dheere oo lagu tilmaamay ‘Al Mudiir-Al-Caam’. Taas oo macnaheedu yahay Guddoomiyihii SNS-ta isla markaana deggenaa magaalada Jigjiga, sidaas ayaan ugu maleeyay in xaruntu halkaa ahayd. Xoghayaha Guud wuxu ahaa Maxamuud Jaamac Uurdoox oo deggenaa Hargeysa.

Hargeysa iyo Jigjiga laba magaalo oo mataana ah oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba isku xidhan ayay ahaayeen. Qaab-dhismeedkii SNS-ta waxba kama sheegi karo waayo markaa ilaa 13-14 jir ayaan ahaa. Markaa ay SNS-tii dhammaatay ayay SNL soo baxday oo Xarunteedu Burco ayay noqotay. Haddii aanan khaldanayn waxa aan ka xasuusanahay Guddoomiyayaashii iskaga dambeeyay oo kala ahaa Abokor Xaaji Faarax iyo Sheekh Jaamac Warsame.”

Xarunta SNL waxa Hargeysa loo soo wareejiyay waqti aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa 1956kii. Aniga qudheydu galabtaa Kheyriyada ayaan xafladdaa taagnaa aniga oo malcaamadda ka soo rawaxay. Waxaan xusuusnahay in aanan iskuulka berigaa ku jirin. Calan-saarkaa aniga oo carruur ah ayaan goob-joog u ahaa. Intaasina waa kab aan isku saxayo. Idinkana dhammaantiin dedaal idin faran, si aynu qabyada jirta u gufeynno. Odayaashii muddakarka ahaa ee SNS-ta ee Burco waxa isaguna ka mid ahaan jiray Sheekh Xasan Geelle. Dhammaantood Ilaahay ha u wada naxariisto.

 

Aragtida caalamiga ah ee: siyaasadda iyo xisbiyada

Waxaan jecelahay qaybtan taxahanayga gaaban in aynu cabbaar ku hakanno qeexidda ereyga aynu ku dawakhnay ee la inagu harraadiyay ee ‘siyaasadda’. Waa ereyga afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘politics’. Waxaan si fiican u dhex-qaaday Google-ka aniga oo odeygeennaa buuniga ah ka codsaday in aanu waxba inaga hagran.

Qaybtan oo aan doonayo in aynu wax badan isugu iftiiminno, waxaan idiin ka soo tarjumay macluumaadkii aan ka helay ee uu iigu deeqay odeygeenna buuniga ah ee Google-ku. Odeygu waa kaftan miidhan oo cabbaar ayuu I xiijiyay. Wuxu igu lahaa: “Cid waxan akhrida ma haysid oo reero hadal ayaad tihiin e’ maad iska kay deysid.” Waxoogaa markii aan gadhkii weynaa jiidayay ayuu markii danbe qalbiga iyo laabtaba ii furay, isaga oo sii lahaa: “kolley mareegaha ayaan ka ogaan doonaa fal-celiskooda iyo haddii ay wax ka qoraan waxan ay akhriyeen.”

Aynu ku horreynno ereyga ‘politics’ iyo halka uu ka yimid. Waxaynu dib ugu noqonaynaa il-baxnimadii Giriigga.

Ereyga  ‘politics’ oo u dhigma siyaasad waa erey asal ahaan ka soo jeeda afka Giriigga ee ah Πολιτικά (politika), oo laga soo qaatay Buuggii feylasuufkii Aristotle ee “Arrimaha magaalo-madaxda”, oo ahaa magaca Buuggiisii ku saabsanaa xukunka iyo xukuumadda oo af Ingiriisi loo tarjumay qarnigii 15aad. Markii Laatiinka laga dhigay ereygii wuxu isu beddelay “Polettiques”. Sidaa darteed 1520kii ayay afka Ingiriisiga ku noqotay ‘politics’. Afka Giriigga marka aynu raacno, sida aan ka soo xiganayo ama ka soo dheeganayaba odeygeennii buuniga ahaa ee Google-ka, ereyga ‘politics’ (siyaasad) wuxu la xidhiidhaa ‘muwaaddinka’, ‘rayid’, ‘il-bax’, ‘ama wax ay dawladdu leedahay.’ Waa erey ka soo jeeda isku-darka πολίτης (polites), “muwaaddin” iyo πόλις (polis), “magaalo-madax ama xarun ah”

Bal hadda aynu isku deyno in aan macnaha ereyga ‘politics’ qeexno innaga oo raad-raac ka dhiganayna culimada aqoonta siyaasadda looga danbeeyo.

Qeexid caan ah oo daarran sharraxaadda Xisbiyada Siyaasadeed, waxa dhigay ama dhaabadeeyayba cilmiyahanka siyaasadeed ee Mareykanka ah ee lagu magacaabo Antony Downs. Caalimkaa siyaasadeed wuxu qoray:

 “Xisbi siyaasadeed waa koox dad ah oo doonaysa in ay xukunka gacanta ku dhigto iyaga oo xil-qabashadaa u maraya doorasho habaysan oo xilligeedii taagan yahay.”

Aqoonyahanka Talyaaniga ah ee Giovanni Sartori, oo in badan wax ka dhigayay Jaamicadda Columbia ee New York oo caalami ahaanna ka mid ah foolaadka cilmi-baadhayaasha xisbiyada siyaasadeed ayaa isaguna xisbiyada ku sifeeyay:

“Koox kasta oo siyaasadeed oo baadi-sooc rasmiya u leh doorashooyinka, isla markaana awood u leh in ay xilalka dawladeed murashixiin ugu soo ban-dhigto doorashooyinka.”

Bal hadda aynu eegno labada xeel-dheere ama aqoonyahan ee kala ah Wilhelm Hofmeister iyo Karsten Grabow sida ay u sharxayaan xilalka Xisbiyada Siyaadeed oo ay lix qodob ku soo ururiyeen:

Xisbiyada Siyaasadeed waxay:

  1. Isku habeeyaan oo ay isku dubba-ridaan danaha ijtimaaciga ah ama bulsho: Xisbiyadu waxay muujiyaan rajada iyo filashada dadweynaha iyo baahida ururrada ijtimaaciga ah, taas oo ay u jeediyaan nidaamka siyaasadeed ee talada dalka haya (= Xil-gudashada ra’yi-samaynta siyaasadeed).
  2. Carbiyaan isla markaana tababaraan hawl-wadeennada siyaasadeed iyaga oo isla markaana barbaarinaya siyaasiyiinta mustaqbalka: Dad ayay soo xushaan oo ay u soo bandhigaan in ay murashixiin u noqdaan doorashooyinka (= Xil-gudashada xulashada).

 

Xisbiyada Siyaasadeed waxay:

  1. Dejiyaan oo horumariyaan barnaamajyo siyaasadeed: Xisbiyadu waxay isu geeyaan oo ay isku habeeyaan dano kala duwan oo ay isugu geeyaan mashruuc siyaasadeed oo u xuub-siibta barnaamaj siyaasadeed oo ballaadhan kaas oo ay u ololeeyaan si ay dareen iyo taageeraba uga helaan inta ugu badan ee dadweynaha (= Xil-gudahada habaynta, isku-dubbaridka iyo is-dhex-gelinta).
  2. Horumariyaan oo kobciyaan is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada siyaasadeed ee muwaaddiniinta: Xisbiyadu xidhiidho ayay ka dhex sameeyaan dadweynaha iyo nidaamka siyaasadeed; waxay suuro-geliyaan ka-qayb-galka siyaasadeed ee qofafka iyo kooxahaba si ay u suntadaan una sahansadaan guul. (= Xil-gudashada is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada).
  3. Abaabulaan dawladda. Waxay ka qayb-qaataan doorashooyinka si ay xilal siyaasadeed u qabtaan. Badanaa, dimuqraadiyadda xisbiyadu waxay saamaxdaa in madaxda xukuumaduhu ka timaaddo xisbiyada (=Xil-gudashada adeegsiga awoodda siyaasadeed).   
  4. Xoojiyaan sharciyadda hannaanka siyaasadeed: iyaga oo xidhiidhinaya: muwaaddiniinta, ururrada ijtimaaciga ah iyo hannaanka siyaasadeed, xisbiyada siyaasadeed waxay ku qanciyaan muwaaddiniinta iyo ururrada ijtimaaciga ah hannaanka siyaasadeed ee jira. (= Xil-gudashada sharciyeynta).

Marka aynu eegno ama dhuuxnaba sida ay adduunyadu u taqaanno ama u adeegsataba xisbiyada siyaasdeed, cimrigoodu kuma koobna qof Madaxweynenimo  saar u qabtay oo helay ama waayay, ka dibna sidaa xisbigii ku baaba’o. Adduunyadan aynu ku nool nahay xisbiyada uma sadqeyso damaca shakhsiyadeed ee qof hoggaamiye ka ah ama koox dano gaar ah oo gaaggaaban leh. Marka aynu eegno heerarka ay adduunyadu ka taagan tahay hawl-gallada iyo adeegsiga xisbiyada siyaasadeed, wax caadiya ma aha in inta xisbi sannadkan la sameeyo uu doorashada ugu horreysaba haweysto in uu ku guulaysto Madaxweynennimada iyo aqlabiyadda xubnaha Baarlamaanka. Taasi meel ay adduunka ka dhacday lama hayo, xisbiyada dhabta ah ee danaha shacbigooda ka tarjumayaana ma hawaystaan.

Macluumaadka aan ka soo rogay Google-ka ee aan idiin soo tarjumay ee xisbiyada siyaasadeed ku saabsan, waxa kale oo ka mid ah:

  • Xisbiyada waa in aynu u fahamnaa ururro joogtaysan oo ay muwaaddiniintu ku bahowdo oo saldhiggoodu yahay ama ku fadhiyo xubinnimo madax-bannaan iyo barnaamaj siyaasiya; oo ay ugu tafo-xayteen in ay doorashooyin sharciya ku hantaan xilalka xasaasiga ah ee dalka iyaga oo u dhiibanaya hoggaamiyayaashooda si ay u maareeyaan arrimaha taagan. Tartanka doorashadu waa in uu dhex maraa ugu yaraan laba xisbi.
  • Xisbiyadu waxay u hawl-galaan in ay saamayn ku yeeshaan qarqooridda (samaynta) ra’yal-caamka siyaasdadeed iyaga oo ujeeddo ka dhiganaya in ay raad ku yeeshaan siyaasadda guud. Saamaynta togan ee ra’yal-caamka siyaasadeed waxa lagu qorshaystaa muddo fog iyo gobollo badan, iyada oo laga dheeraanayo in la isku koobo heerar maxalliya iyo arrin keliya.
  • Xisbi waa kulan ay ku bahoobeen muwaaddiniintu oo si shakhsi-sahakhsi ah xubin uga noqday, waa in ay yeeshaan tiro xaddidan oo xubno ka ah, si ay u muuqdaan yoolalka uu higsanayaa iyo guulaha la filanayaa,
  • Xisbigu waa in uu si cad u muujiyaa rabitaanka joogtada ah ee ah in uu dadweynaha kaga wakiil yahay doorashooyinka la gelayo. Sidaa darteed, xisbigu waa in uu ka duwanaadaa: Xidhiidhada Shaqaalaha, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo cid kasta oo aan doonayn in ay dhabarka u ridato mas’uuliyado siyaasadeed oo ay leeyihiin qaybo ballaadhan oo shacbiga ka mid ahi.
  • Xisbigu waa in uu noqdaa urur madax-bannaan oo joogto ah, ma aha in xisbi loo samaysto doorasho mar dhacda ka dibna uu baaba’o ama saaxadda siyaasadeed ka baxo,
  • Xisbigu waa in aanu ka dhuuman ee uu hor yimaaddaa dadkiisa oo fagaarayaasha taagnaadaa,
  • Xisbiga looma sameeyo si uu ugu guulaysto kursi baarlamaanka ah, bal se waa in uu u halgamaa isla markaana fuliyaa ujeeddooyinka kale ee uu u taagan yahay,

Dhaqan xisbiyeed oo hufan oo adduunyada la jaan-qaadaa waa uu ina soo maray, waxa se ayaan-darro ah in aynu maanta waxaas oo dhan ka arradan nahay oo ay xisbiyadeennii noqdeen af-ku-xooglayaal kur-ka-nool ah oo aanay dadku wax saamayn ah ku lahayn, bal se kor laga wado oo qof ama koox u af-duuban..

Waa maxay aayaha danbe ee Xisbiga Kulmiye?

Ma maanta iyo waayaheennaa! Ma xisbiyada jira iyo waayahoodaa! Kala-guurkii Shirweynayaashu waa shantii sannadoodba mar; haddana waa la qaban kari la’ yahay oo waa laga maagayaa ama danba lagama laha. Guddi Fulineed iyada in aad maqashaan waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Waxay u badan taay in aanay tiradooduba sugnayn. Go’aammo Gole hoggaamineed lama arko, Golahaba ha ugu darnaado e’. Guddoomiye aan war-baahinta iyo xafladaha ka dhammaan se, waa la hayaa ama aan qurbo-joogta iyo dibad ka dhammaan sidii wax ay dadka dibaduhu codeynayaan.

Wixii hore oo dhanba marka aad iska daadiso, waxa weli sii qoyan habkii iyo hannaankii foosha xumaa ee uu xisbigii Qaran ee UDUB saaxadda siyaasadeed kaga baxay, innaga oo sidaa u soo ligan. In kasta oo uu Xisbigaasi in badan soo jiray, haddana wax badan ma ay qaadan in uu jilbaha u dhaco, dibadna loogama iman ee intii ka dhex doobinaysay ayaa sabab u ahayd. Waxaynu ku qasban nahay in aynu wax ka baranno oo wax ku qaadanno si aynaan mar kale iyo marar danbeba u dumin.

Waxaan aamminsanahay in aanay Xukuumadda maanta talada dalka haysa iyo Xisbiga Kulmiye midkoodna ka arrimin kana talin burburka Xisbiga UDUB ku dhacay. UDUB isagu ha is-eersado, talo-xumaantii ay hoggaamintii xukuumadda ay ku waayeen ayaa mar kale seejisay xisbinnimadoodii.

Innaga oo xisbiyadii xakamaynay oo saddex qudh ah ku soo koobnay, ma aha danteenna in aynu hadba mid weyno oo uu saaxadda ka baxo oo weliba intii dheefsanaysay looga tag waayo. Waxyaabo badan ayaa sabab u ah burburka joogtaysan ee xisbiyadeenna haysta. Aniga oo aan cilmi-baadhis qoto dheer ku samayn, haddana qodobbadan hoos ku qoran ayaynu tusaale u soo qaadan karnaa:

  1. Aqoon-darro siyaasadeed oo haysata inta hoggaanka u ah iyo xubnaha badankoodaba. Xisbiyo hore ma ay soo arag, diyaarna uma aha in ay wax ka bartaan waayo-aragnimada hodanka ah ee adduunka. Xataa tababarro gaaggaaban ayaanay u darbanayn in ay qaataan. SNL, USP, NUF, SDU, SNC, SYL iyo SNM ayaan laga faa’iidaysan oo aan xataa la isku deyin in wax lag barto,
  2. Inta hoggaaminaysa xisbiyada oo xisbiyaba u haysata sallaan lagu fuulo Madaxtooyada ama lagu noqdo Madaxweyne, intaa ka dibna aan Xisbigiiba hoodh lagu qoysanayn,
  3. Hawlaha Xisbiyada oo si shakhsiya oo qofnimo ah loo maamulo loona hoggaamiyo.
  4. Hab-dhaqankii nidaamkii xisbiyeed ee Maxamed Siyaad Barre oo baadi-soocdiisii iyo habkiisii maamul aad uga dhex muuqdaan, gaar ahaan xafladaha iyo bannaan-baxyada oo khudbado madhan iyo hugun afka baarkiisa ah lagu muuneeyo,
  5. U-hoggaansanaan la’aan iyo ku-dhaqan la’aan xeerarka iyo shuruucda xisbiga,
  6. Xisbinnimadii oo qabiil loo sadqeeyay oo laga tegay qofnimadii iyo xuquuqdii shakhsigu lahaa: waajibaaadkii iyo xuquuqdii,
  7. Saamaynta taban ee ay xukuumaduhu ku leeyihiin xisbiyada oo ka timaadda faro-gelinta joogtada ah ee xisbiyada lagu hayo,

Dalkan aynu joogno ee tawsta iyo tabaalaha la taahaya ee tab la rogi la’ ayaa wax walba la hawaystaa: Mid maalin Madaxweyne ku noqda, mid maalin maal-qabeen ku wadh-wadhay ku noqda, iyo mid isaga oo aan meelnaba uga soo wareegin ku amar-ku-taagleeya awood aanu lahayn oo baadiya oo uu meel cidla’ ah ka helay, cidina ku qabsan weyday,

Maansayahankii caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil (Qaasin) ayaa laga hayaa:

“Wedkii Kennedy dilay Aadan buu, soo kac leeyahay e’”,

Hadda Abwaanku waa kuhaan ayaa la yidhaadaa oo ninka tixdan tiriyay lama waayin, oo Aadan Cabdille Cismaan oo markaa Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya lama dilin, bal se wuu sigay oo Madaxweynihii ku xigay oo ahaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa 15kii Oktoobar 1969kii askarigii ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood.

(La soco……)