kulmiye qalabkii dawladda iyo ciidankii dawladda ayuu isticmaalayay oo kaabayn rasmi ah buu ku jiray..” Cirro

Lawyacaddo(SLpost)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa xisbiga kulmiye ku eedeeyay inuu isticmaalayay qalabkii dawladda iyo ciidankii dawladda. Isla markaana wuxuu sheegay in dadka xamaasadii gashay markay arkeen siduu wax u waddo xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye Cirro wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Horn Cable Tv, waxaanu yidhi “Gobolka Awdal inkasta oo abaari jirto oo meelaha qaarkood ay dadku ku yaraayeen oo dadka intooda badan waxay jiraan waqooyi, laakiin intii aanu aragnay xamaasaddu way ku jirtay oo si fiican bay u diyaargaroobeen waanay is diiwaangelinayeen.”

“Anagu waxaanu u soo baxnay in aanu kormeer noqono diiwaangelinta, way jirtay oo xamaasad badan. Laakiin 

marka anaguna intii aanu ka gaadhnay dadka waxaanu kula dardaarmaynay in anshaxa la ilaaliyo, hase-yeeshee xamaasad badan baa dadka gashay markay arkeen kulmiye.”