KULMIYE iyo WADDANI oo Ku Kulmay Kulan Noociisa Aan Looga Baran iyo Qodobbo Lagu Heshiiyey

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
MIDIG: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiyada WADDANI iyo Kulmiye, ayaa galabta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan-afureed lagaga tashaday Arrimaha Doorashooyinka.

Kulanka oo ku qabsoomay Ambassador Hotel ayaa ahaa casuumad Afur ah oo Xisbiga Kulmiye u fidiyey Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxa ka qayb-galay saraakiisha sar-sare ee labada Xisbi oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Labada Xisbi oo si gooni-gooni ah war uga soo saaray ujeeddada kulanka, waxa ay sheegeen inay ka wada-hadleen arrimo khuseeya dar-dargelinta Doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooada oo qabsoomiddooda loo muddeeyey dhammaadka Sannadkan 2024-ka.

Kulanka oo noqonaysa markii u horeysay ee in muddo ah saraakiisha labada xisbi yeeshaan kulankan oo kale, ayaa daba-socday kulan uu ka shaqeeyey madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo Arbacadii toddobaadkan madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Murashax Cirro, waxa ay labada dhinac iskula qaateen in la dardar-geliyo hawlaha Doorashooyinka iyo dhammeystirka hawlaha horyaala.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waxa kale oo labada dhinac u ballameen kulamo saddex-geesood ah oo uu qayb ka yahay Xisbiga UCID oo aan ka qayb-galin kulankii hore.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net