Kudhawaad Labaatan Qof Oo Caruur U Badan Ayaa Daadad Ay Ku Laayeen Jigjiga

Hargeysa(Slpost)-Magaalada jigjiga ee xarunta u ah Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo sheegaya in daadad ku dhuftay ay dad ku laayeen.

daadad

Daadadka ayaa la sheegay in aysan ka dhalanin roob ka da’ay magaalada ee ay yihiin kuwo ka yimid dhulka buuralayda ah ee Itoobiya.

Dad badan oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa bbc-da u xaqiijiyay in daadadku ay gaysteen khasaare dhimasho.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan tirada dhimashada, waxaa jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in ay dhinteen ku dhawaad 20 ruux oo caruur u badan. Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay daganaayeen agagaarka goobaha biyo mareenka ah ee magaalada Jigjigja.

Waxaa kale oo la soo sheegayaa in ay jiraan dad la’layhay oo ay daadadku la tageen.

BBC-da ayaa la xiriirtay masuuliyiin dhawr ah oo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxayse ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrintaasi.

Qof goob jooge ah ayaa BBC-da u sheegay in aan dadka loo oggolayn isbitaalka Kaaraamardha oo la geeyay maydadka dadka dhintay qaar.

Xigasho BBC