Korodhka dareenka Xisbiyada Mucaaridka ah ee dib-u-dhac ku yimaadda doorashada iyo Dardaaranka Madaxweyne Siilaanyo ee Muddo-kordhinta

HARGEYSA (SLpost)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa walaac xooggan ka muujiyey dib u dhac ku yimaadda qabashada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxa Xisbiga UCID caddeeyey inaanay Mucaarid ahaan ka qaybgeli doonin doorasho bilaa diiwaangelin ah, halka WADDANI-na ka digay halis ka dhalan dib-u-dhac ka yimaadda doorashada Madaxtinnimada dalka.

ucidwadani-logoXisbiga WADDANI waxa uu Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ku eedeeyey inay ka werwereegayso qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo doorashada Cod-bixiyeyaasha doorashada ee Somaliland, taasoo uu ku sheegay in sababta ay uga werwereegaysaa tahay in dib u dhac ku yimaaddo doorashada, ka dibna ay hesho muddo-kordhin loo sameeyo.

Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey mawqifkooda Xisbi ahaan la xidhiidha haddii dib u dhac ku yimaaddo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha waxa uga qorshaysan gelitaanka doorasho bilaa diiwaangelin ah, ayaa sheegay inaanay Mucaarid ahaan geli doonin doorasho bilaa diiwaan-gein ah.

“Arrinkaasi qofkii ku hamiyaya doorasho bilaa diiwaangelin ah, hawo beena weeye, ma galayno doorasho bilaa diiwaangelin ah. Tii dambe ayay soo aragnay, tii hore dhibkii, boobkii iyo wixii hagar-daamo ka dhacay baynu soo aragnay..Xisbiyada Mucaaridka ah waxaa ka go’an doorasho diiwaangelin lagu galo. Diiwaangelintaasna waxa u qorshaysan in bisha September la bilaabo, wax dheer oo soconaaya in badan maaha sidaan u fahansanahay, ee aannu kala soo hadalnay Deeq-bixiyeyaasha, waa wax afar shan bilood hadday ugu bataan ku qabsoomi karaya, markaa annu mawqifkaas baannu ka taagan-nahay.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxtooyadu Miidaanul-taxriir isu beddeli doonto haddii ay Xukuumaddu isku daydo muddo-kordhin uu sheegay inay u muurmuurtamayso.

“Muddadii loogu talo-galay doorashadu inay qabsoonto waxa ka hadhsan sannad oo bisha June ee 2015-ka waa inay qabsoontaa sida sharcigu dhigayo, waxaana jira caloolyow laga baqayo diiwaangelintii oo aan wali qaban inay doorashadu dib u dhacdo, waa wax qalbiga dadkoo dhan ku wada jirta. Waxase aannu sheegaynaa oo Xisbi ahaan meel nooga yaal muddo-kordhin inaanay xal u ahayn Qarankan. Waxaannu sheegaynaa habeen in lagu daraa inaanay dawo u noqonayn dalkan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI.

Waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Waxaannu leenahay waannu idiinka digaynaa inaad habeen dib uga dhacdaan xilligii loogu talo-galay inay diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu ka qabsoonto, waxaannu idiinka digeynaa inaad ku fikirtaan muddo-kordhin wax la yidhaahdo inaad ku fikirtaan, dalkani ma qaadi karo, diyaarna uma aha.”

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlayey aragtidooda Xisbi ahaan waxa ka dhalan kara haddii muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo Xukuumadda talada haysa hoggaamiya, waxa uu yidhi; “Waxaanu intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Waxaannu idiin sheegaynaa in Miidaanul-taxriir Madaxtooyadu isu beddeli doonto, ama dhagaxan is-hordhiga ama Derbiyo dhaadheer dhista, daaqadahaa la isaga soo daadan doonaa, haddii lagu qaban waayo doorashada iyo diiwaangelinta wakhtigoodii, maanta mushtamaca reer Somaliland way ka daaleen muddo-kordhin hadday Madaxtooyo tahay iyo hadday Baarlamaan tahay, mid naba looma baahna in muddo-kordhin loo sameeyo.”

Afhayeenka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo Axaddii Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera diiwaangelinta, doorashada iyo arrimaha dimuquraaddiyadda, Madaxda Dhaqanka, Culimada, Ururrada Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee Somaliland ay Xukuumadda cadaadis ku saaraan hirgelinta iyo qabashada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashadu aanay midina ka dib dhicin hal habeen wakhtigii sharciyan ay ahayd in la qabto.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa labadooduba hore uga digay in dib-u-dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada maaddaama oo Madaxweyne Siilaanyo shantii sano ee la doortay kaga dhammaanayso bisha Juun ee sannadka soo socda ee 2015-ka, sidaa daraaddeedna ay sharci tahay in la qabto doorasho bil ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa. Waxaanay labada Guddoomiye ka digeen muddo-kordhin ay isku dayaan Golaha Guurtida Somaliland oo ah Golaha keliya ee awoodda u leh inay muddo-kordhin u sameeyaan Xukuumadda talada haysa, taasoo ay sheegeen haddii ay timaaddo inaanay aqbali doonin in hal habeen oo muddo-kordhin ah la sameeyo.

Inkasta oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sannadkii hore labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada uga hor-sheegay inaanu diyaar u ahayn in hal saacad loogu kordhiyo muddadiisa sharciga ah ee la doortay oo ku buuxda 26 June 2015, isagoo marar badan oo kala duwanna sheegay inay muddo-kordhintu xaaraan tahay, haddana waxa isa soo taraya ama soo xoogaysanaya dareenka iyo walaaca ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID ka muujinayaan dib u dhac ku yimaadda doorashada iyo muddo-kordhin ay Guurtidu u sameeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka hoggaamiya Xukuumadda talada Somaliland haysa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu dorraad dhaqan-geliyey xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo fududeynaya qabsoomidda diinwaangelinta Codbixiyeyaasha dalka, taas oo ka shidaal qaadanaysa waajibaadka iyo shuruucda looga baahan yahay qofka is-diiwaangelinaya iyo Shaqaalaha ka hawl-galaya, labadaba.

 

XIGASHO: HIMILO