Korneyl Caarre oo Shaaciyey inuu Dowladda ku wareejiyey Ciidamo ka tirsanaa Jabhaddiisii oo Fekerkeeda uu ka tanaasulay

 

Ceerigaabo (SLpost)- Korneyl Siciid Cawad (Caarre), ayaa maanta shaaciyey inuu si rasmi ah dowladda ugu wareejiyey Ciidamo ka tirsanaa Jabhad la baxday Dulmi-diid oo sannadkii u dambeeyey mucaarad ku ahaa Xukuumadda Somaliland.

Korneyl Caarre ayaa hore uga tirsanaa Ciidamada Qaranka ka hor intii aanu ka goosan sannadkii hore kaddib saluug uu ka muujiyey nidaamka maamul ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo uu eex iyo qaraabo-kiil ku eedeeyey.

Waxa uu korneylku sheegay inuu ciidamada kala duwan ee ka tirsanaa jabhaddiisa, hubkii iyo tikniko ay leeyihiin ku wareejiyey xukuumadda, maanta laga bilaabana ka mid yihiin ciidamada dowladda kaddib makra la qarameeyo isagoo madaxweynaha ugu baaqay inay ciidamadaasi helaan xuquuqdooda.

Go’aanka uu Korneyl Caarre kaga tanaasulay fekerkiisa hore ayaa ka dhashay dedaallo wada-xaajood iyo dhex-dhexaadin ah oo ay xukuumadda iyo Korneylka ka dhex-wadeen Ergo is-xilqaantay oo u badan wax-garadka, madax-dhaqameedka iyo aqoonyahanka beesha uu ka soo jeedo Korneyl Caarre.

Haddaba Faahfaahinta iyo Hadalka Korneyl Caarre kaga bogo Muuqaalka hoose