Kormeerayaasha Caalamiga ah oo Ammaanay Qaabka ay u dhacday Doorashada Somailand

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Goob-joogeyaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay qaab xor iyo xalaal ah u dhacday Doorashooyinka Isku lammaan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee shalay ka dhacday dalka.

Goob-joogeyaasha oo ka socday macadka The Brenthurst Foundation oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ahaa kormeerayaal Caalami ah oo Somaliland u yimi inay kormeeraan qaabka ay u dhacayso doorashada goleyaasha Wakiiilada iyo deegaanka.

Agaasimaha The Brenthurst Foundation Dr. Greg Mills ayaa si guud ah warbaahinta ula wadaagay warbixin dheer oo ay ka so saareen Qaabkii ay shalay u dhacday doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo wakiillada, isagoo sheegay inay soo kormeer ku sameeyeen goobo badan oo ku kala yaala gobolada dalka kuwaas oo ay ku soo arkeen sida ay dadku codkooda u dhiibanayeen.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaado dhacdooyin yaryar oo goobaha qaar ka dhacay sida goobaha oo aan hore loo bilaabin shaqada in doorashadu ay ahayd mid hufan, dimoqraadi ah oo sidii la rabay u dhacday.

“Tani waa doorashadii 8-aad ee si dimuqraadi ah uga dhacda Somaliland, waxay sii xoojiysay nidaam dimuqraadiyadeed oo ka tisqaaday gobol aan lagu aqoon dimuqraadiyadda,” Sidaas ayuu yidih Dr Greg Mills, waxaanu intaas ku daray, “Waa inay dunidu aqoonsataa oo waliba Afrika taageertaa”.

Waxa kale oo goob joogeyaashaasi ay warbixintooda ku sheegeen in goobolihii kala duwanaa dhammaan gobolada dalka ee ay kormeerka ku soo mareen ay ku soo arkeen waxyaabo yar-yar oo aan waxba u dhimin habsami u socodka doorashada, se ay si guud doorashadasi ahayd mid u qabsoontay hannaan wanaagsan.

 

Agaasimaha xarunta The Brenthurst Foundation Dr. Greg Mills, waxa uu nuqul ka mid ah warbixintaas oo ka koobnayd toban bog oo ay ka soo saareen doorashooyinka Somaliland ku wareejiyeen guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali oo madasha ku sugnaa.

Ugu dambayn guddoomiyaha komishanka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) ayaa goob joogeyaashaas uga mahadceliyay sidii ay u qiimeeyeen doorashooyinkaas isku sidkan ee ka qabsoomay Somaliland Isniintii shalay.

Somalilandpost.net