Kooxda Al-Qacidda Yamen Oo Weerartay Saldhig Militariga Dalkaa Iyo Qasaaraha ka Dhashay

Yemen (SLPOST) Maleeshiyaadka Al Qacida ee dalkaasi Yemen ayaa subaxnimadii Sabtida weerar kadis ah ku qaaday saldhiga Militariga Yemen ku leeyahay magaalada Lawder ee gobalka Abyan koonfurta wadanka Yemen.

weerar_yemen_koonfur1

Weerarkan ayey ku dhinteen ugu yaraan sadex qof oo ay ku jiraan labo askari iyo mid kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday sida ay sheegeen saraakiisha militariga Yemen.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday baasuukayaal iyo qaraxyo kale iyadoo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday isku dayeen inay gudaha u galaan saldhiga militariga, sida uu sheegay Gen.Maxamed Cabdullahi oo ah Taliyaha Guutada 115aad ee ciidamada Yemen.

Maleeshiyaadka weerarkan ka qeyb qaatay ayaa la sheegay inay kasoo jeedeen wadamo kala gedisan, iyadoo la sheegay in uu weerarkan ku dhintay dagaalyahan kasoo jeeda dalka Sucuudiga oo u dagaalamayey Al Qacida.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland