Komishanka Xuquuqal-iinsaanka Somaliland oo War ka soo saaray Xaaladda 8 Hablood ooXabsiga Berbera ku Xidhan

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Heer Qaran ee Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo gebo-gabeeyo kiisaska loo haysto 8 hablood oo ku xidhan Xabsiga Dhexe ee magaalada Berbera.

Hablaha oo qaarkood ku jiraan Dugsiyada Waxbarashada magaalada Laascaanood, ayaa Ciidamada xabsiga loo taxaabay dhawaan kaddib markii lagu eedeeyey inay ku lebbisteen calanka Soomaaliya.

Komishanka Xuquuqal-iinsaanka Somaliland waxa ay sheegeen in dhalinyaradan muddo Afar maalmood ah ku xidhnaayeen xabsiga magaalada Laascaanood ka hor intii aan loo soo gudbin Xabsiga Dhexe ee magaalada Berbera ilaa immikana aan maxkamad dacwadooda ka gar-naqda la hor-gaynin.

Advertisement

War-saxaafadeed ay maanta soo saaareen Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo booqasho ku tagay xabsiga, xog-waraysina la yeeshay hablaha, ayaa sheegay in xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay isla markaana si fiican loola dhaqmay hablaha xidhan, balse ay ka cabanayaan kulaylka xilligan ka jira magaalada Berbera iyo fogaanshiyaha xabsigu ka durugsan yahay magaalada Laascaanood oo ay sheegeen inay dhibaato ku tahay Qoysaskooda.

Ugu dambayntii, Komishanka xuquuqal-iinsaanku waxa ay ugu baaqeen hay’adaha garsoorka in sida ugu dhakhsaha badan loo gudo-galo kiisaska loo haysto.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On