Komishanka Qaranka oo Daah-furay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Gobollada laga bilaabayo

 

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo la filayo in dhammaadka bishan ka bilaabanto dalka..

Munaasibad loo qabtay daahfurka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Xukuumadda iyo ururrada bulshada.

Diiwaan-gelinta ayaa ujeeddadeedu tahay sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen dadkii aan hore qaadan kaadhadhka codbixinta, kuwa imika gaadhay wakhtigii ay qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaan gelinta iyo kuwa Kaadhadhku ka lumeen ama laba jeer wax ka badan is-diiwaan geliyey ee kaadhku ka xumaaday

Wejiga koowaad ee diiwaangelintuna ayaa loo muddeeyey inay 29-ka bishan November ka bilaabmo gobolka Awdal iyo saddexda degmo ee Sallaxley, Balligubadle iyo Gabiley.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net