Komishanka oo Dhammeystiray Tijaabada Nidaam Casri ah lagu Galayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta dhammeystiray tijaabada Saddexaad ee nidaamka Farsamo ee Diiwaan-gelinta muwaadiniinta oo la adeegsanayo farsamo Casri ah.

Tijaabada saddexaad ee Diiwaangelinta Codixiyeyaasha, ayaa lagu soo kordhiyey nidaam farsamo isku xidhaya Goobaha Diiwaangelinta iyo Xarunta Guud ee Guddiga Doorashooyinka, iyadoo farsamadani suurto-galinayso isku xidhka Qalabka goobaha diiwaangelinta  iyo Server-ka Guud ee lagu keydinayo Xogta Muwaadiniinta.

Goobta tijaabada lagu samaynayey oo ahayd Xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ee taageerta nidaamka Doorashooyinka, iyadoo xogta dadkii halkaas lagu diiwaangeliyey si toos ah loogu diray Server-ka Xarunta Guddiga Doorashooyinka, iyadoo la isticmaalayo khadka isgaadhsiinta Internetka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo kulanka ka hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyey nidaam casri ah oo ay ku soo kordhiyeen qaabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi, “Tijaabadan saddexaad ee maanta aanu samaynay waxa kuwii hore kaga duwan tahay iyadoo xogta dadkii hore ee isdiiwaangeliyey ee halkan fadhiya oo toos xogtoodii looga baadhayo Server-ka dhexe oo ay ku keydsan yihiin dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangelintii aynu qabannay 2016-kii. Waxa ugu weyn ee aanu maanta tijaabinaynaa waxa weeyaan sidii ay goobaha kala duwan ee daafaha waddanka ku yaallaa ay u wada shaqayn lahaayeen oo ay xogta u soo diri lahaayeen una baadhi lahaayeen. Tijaabada maantu waxay tusaale u tahay Xafiiska Degmada iyo Goobaha Codbixinta ee dalka siday u wada-shaqaynayaan marka diiwaangelinta la bilaabo.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Komsihanka Doorashooyinku waxa uu maanta halkan ka caddeynayaa in dhammaan lagu guulaystay tijaabooyinkii oo aanay waxba ka soo noqon doonin”.

Xubno ku hadlayey magaca laba xisbi ee UCID iyo Kulmiye oo halkaas ka hadlayey, ayaa guddiga doorashooyinku ku ammaanay hawsha ay qabteen, dhinacooda ku qanacsan yihiin hawsha farsamo ee ay goob-joogga ka yihiin.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa la filayaa inay dalka ka qabsoonto dhawaan ka hor inta aan la gudo-gelin diyaar-garowga Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo hore loogu muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan dhammaadka sannadkan.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com