Komishanka Doorashooyinka Oo Meesha Ka Saaray Qorshihii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta shaaciyey nidaamka ay u qorsheyeen qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo Axsaabta Siyaasadda oo loo muddeeyey dabayaaqada bisha November ee sannadkan 2024.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo ay weheliyaan xubnaha kale ee KDQ, ayaa shir-jaraa’id ku sheegay inay diyaariyeen nidaamka lagu galayo doorashooyinka oo ay ugu horeeyaan hannaanka lagu xaqiijinayo cod-bixiyeyaasha ka qayb-galaya doorashada oo hore loo diiwaangeliyey.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay Guddi ahaan diyaariyeen nidaamka Sawirka Indhaha codbixiyeyaasha, kaas oo sugnaantiisu dood ka dhex-abuurtay xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda.

Axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiyada Waddani, ayaa soo jeediyey in doorashada lagu galo iyadoo aan la isticmaalayn nidaamka xaqiijinta codbixiyaha ee Indhaha (Biometric Voter Registration) maadaama muddada doorashada ka hadhay aanay u saamaxayn in diyaarintiisa laga gaadhsiiyo.

Haseyeeshee, waxa hirgelinta nidaamka iyo in doorashada lagu galo ku adkaystay Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo tiraba dhowr jeer ku celiyey in doorashada lagu gali doono nidaamka Xaqiijinta codbixiyeyaasha ee IRIS BIOMETRIC VOTE REGISTRATION.