Komishanka Doorashooyinka oo Digniin u Diray Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa digniin u diray Xukuumadda madaxweyne Biixi iyo Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen hab-dhaqan liddi ku ah shuruucda doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye iyo xukuuumaddiisu caadeysteen inay arrimo siyaasadeed uga faa’idaystaan hannaanka u diyaar-garowga Doorashooyinka isla markaana ay xad-gudub ku shaqo ku sameeyeen masuuliyaddii loo igmaday Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalkan.