Komishanka Doorashooyinka oo Cayimay Goobo gaar ah iyo Maalmo loo Kordhiyey Kaadh-qeybinta Sanaag, Sool iyo Saaxil

Hargeysa (SLpost)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo soo gebo-gabeeyey qaybinta Kaadhka Codbixinta, ayaa maalmo u kordhiyey, goobo gaar ahna u cayimay gobollada Sool, Saaxil iyo Sanaag oo wejiga koowaad ee kaadh-qaybinta laga bilaabay 11-kii bishan March.

Qoraal wargelin ah oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayey ku Caddeeyeen maalmaha la kordhiyey iyo degmo kasta goobaha laga sii qaadan karo kaadhadhka maalmahaas dheeraadka ah.

Qoraalka Guddiga Doorashooyinka, ayaa u dhignaa sidan:-

Advertisement

KDQ ayaa ku dhawaaqay Muddada & Goobaha Kordhinta Kaadh-qaadashada Gobolada Saxil, Sool & Sanaag. Muddadii 3da Cisho ahayd ee hore loogu asteeyey goboladan ayaa ku eekayd 13kii March 2021.

Codbixiyayaasha Isdiiwaangeliyey Diiwaangelintii 2020/2021 amma kuwii Isdiiwaangeliyey 2016 hase ahaatee aan wali qaadan Kaadhadhkoodii ayaa haysta fursad dahabiya oo ay ku doontaan Kaadhadhkoodii muddada lagu gudo-jiro Ayaamaha Dheeraadka ah ee la Kordhiyey, iyagoo tagaya Degmadii ay iska Diiwaangeliyeen gaar ahaana Goobta Kordhinta ee ku cayiman Ogaysiiska KDQ ee hoos ku xardhan.” Sidaa ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Gobolka Sanaag

Gobolka Sool

Gobolka Saaxil

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On