Komishanka Doorashooyinka iyo Sadexda Xisbi Qaran oo Baaq Midaysan U Diray Shacbiga

Burco(SLpost)-Komishanka Doorashooyinka qaranka iyo sadexda xisbi qaran oo wada jira ayaa ugu baaqay shacabiga Somalilnd gaar ahaan Togdheer oo ay ka bilaabmayso is diiwaangalintii muwaadiniintu inay u hagar baxaan diiwaangalinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka oo ugu horayntii halkaas ka hadlaayay waxa uu yidhi”Dhamaan Bulshada Somaliland gaar ahaan dadka Togdheer waxaanu maanta ku guubaabinaynaa inay maanta u kacaan inay is diiwaangaliyaan. waa inaan u guntanaa hawshan oo inoo bilaabmaysa bishan 16-keeda lixda subaxnimo, xisbiyada waxaanu leenahay waa inaan anshaxa dhawrno oo sadexda xisbi ay iyaga oo gacmaha is haysta diiwaangalinta ku galaan.”

Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa u soo jeediyay taageeryaasha xisbigaas”Waxaanu u soo jeedinaynaa taageerayaashayada xisbiga Kulmiye inay hormuud ka naqdaan hawlaha qaranka oo ay ka mid tahay diiwaangalintan codbixiyayaashu.”

Gudoomiye Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed ayaa saguna sidan”Waa maalin aan lahayn mucaarad iyo muxaafidba, waa maalin aynu gacmaa isku qabsanayno in aanay inaga fashilmin isdiiwaangalintu.

Naasir qodax oo ku hadlaayay afka xoghayaa guud ee xisbigaas ayaa isaguna ugu baaqay bushada Somaliland in lays diiwaangaliyo “Waxaynu nahay wadamada tirada yar ee qaabkan isha ee la sawiraayo diiwaangalinta qaatay”