Kiiniya ayaa Daboolka Ka Qaaday Inay Duqayn Ku Dileen Taliyihii Sirdoonka Al-shabaab

Hargeysa(Slpost)-Kenya ayaa sheegtay inay ku dishay madaxii sirodonka Al-Shabaab iyo toban qof oo kale weerar 8-dii bishan February ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

daawo

Korneyl David Obonyo, oo ah afhayeen u hadlay ciidmada difaaca Kenya (KDF) ayaa khamiista (2/18/2016) sheegay in Mahad Maxamed Karatey lagu dilayduqeyn lala beegsaday xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Mahad Karatey ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu abaabulay weerar dhimasho badnaa oo lagu qaaday saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan lagu dilay. Kenya waxa ay sheegtay in Karatey uu xerada u tagay geba gebada tababar loo dhameeyey 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo la doonayey inay weeraro kale oo argagixiso fuliyaan.

Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaa beeniyey in Kenya ay dileen Mahad Karatey. Website taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo qoray in “Mahad Karatey uu bad qabo”, islamarkaana aysan jirin duqeyn ku dhacday goob Al-Shabaab ay joogaan.