Khubaro Reer Galbeed ah oo Shaaciyey in Soonku Daawo u yahay Cudurrada Kansarka iyo Faaligga

London (SLpost)- Cilmi-baadhis Caafimaadka oo dhawaan la sameeyey, ayaa lagu shaaciyey in Soonku kaalin muhiim ah ka qaato Daawaynta iyo la dagaalanka Xanuunka Kansarka.

Daraasaddan oo ay sameeyeen Khubaro ka tirsan jaamacadda Southern California, ayaa lagu sheegay in soonku sidoo kale uu hoos u dhigo koritaanka iyo faafitaanka Xanuunka Faaligga, isla markaana daaweeyo xanuunka kansarka marka habab kale la raaciyo. Waxaanay cadeeyeen in warbixintani horseedi doonto samaynta daaweyn horumarsan oo baadhitaanadeedu imika socdo.

daraasadTijaabo lagu sameeyey nooleyaal kala duwan, gaar ahaan Jiirka, ayaa lagu ogaaday in unugyadii faaligu muujiyeen jawaab gooni ah markii cunitaankii laga joojiyey, xilliga uu wax cuno. Halka unnugyadu iska jiifi lahaayeen, waxay bilaabeen inay qeybsamaan, oo kuwii xumaaday iska saaraan, sida warbixinta daraasaddani muujisay.

“Unugyadu, dhab ahaan, waxay sameeyeen qeybsanaan, waxaan ogaanay in unugyadii kansarku isbedel sameynayaan markii jiirkii laga joojiyey cunitaankii,” ayuu yidhi Dr Valter Longo oo hoggaaminayey Kooxda baadhitaanka sameysay.

Natiijooyinka Baadhitaankan oo lagu daabacay majalada Science Translational Medicine, ayaa lagu sheegay in isbeddel laga dareemey unugyada cansarka ku dhacay Kaadida iyo caloosha  Jiirka tijaabada laga sameeyey markii cuntada laga joojiyey.

Baadhayaasha ayaa sheegay in khubaradu xilligan ku hawlan yihiin sida soonku saamaynta ugu yeesho dadka xanuunka Kansarku hayo, in kasta oo lagu ogaan karo baadhitaano isku haleyn leh oo sannado socda ka dib si natiijo lagu qanco uga soo bixi karto.

SOMALILANDPOST.NET