Khubaro reer Galbeed ah oo D/Hoose ee Hargeysa kala Shaqaynaya Casriyeynta jidadka iyo Biyo-mareennada Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Wefti isugu jira khubaro iyo farsamo-yaqaanno ku xeel-dheer Samaynta Waddooyinka iyo Biyo-mareennada, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Hargeysa.

Weftiga oo u dhashay dalka Finland oo lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay ka soo degeen, waxa inay dalka yimaaddaan ku marti-qaaday Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO).

Khubaradan ayaa Dowladda Hoose ee Hargeysa kala shaqayn doona Qaabaynta iyo Hagaajinta Waddooyinka Caasimadda oo la doonayo in loo sameeyo Qaab casri ah oo nidaamka caasimadaha adduunka la jaan-qaadaya.

Xildhibaan Xasan Shahar iyo Xubno kale oo Golaha deegaanka ka tirsan ayaa weftiga ku soo dhaweeyey Gegida diyaaradaha ee Hargeysa.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo muuqaalka Hoose