Khilaaf Cirka Isku-shareeray oo ka dhex-qarxay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Xildhibaanno Eedo Culus u jeediyey Maayarka iyo ku-xigeenkiisa

Hargeysa (SLpost)- Khilaaf cirka isku shareeray ayaa ka dhex qarxay furitaanka kal-fadhiga 8aad ee Golaha Degaanka Hargeysa, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada golaha iyo maayirka caasimaddu isku maandhaafeen ajandaha golaha iyo in laga hadlo qaabka loo maamulay miisaaniyaddooda sannadka 2014.

Fadhigan oo loo ballansanaa in lasii amba qaado Ajandayaashiisa oo Khamiistii la dhamaystiri kari waayey, waxana Dibadda u soo baxay khilaaf hoose oo laba garab u kala jabiyey Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo intooda badani la jiraan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa, halka kooxda kale oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cismaan Waxar ay ka kooban yihiin dhowr Mudane.

Golaha Deegaanka HargeysaXildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar) oo ka mid ah xildhibaanno bannaanka uga baxay fadhigii golaha degaanka ee maanta, ayaa saxaafadda u uga xog-waramay fadeexado musuqmaasuq oo uu u jeediyey maayirka Hargeysa, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inay ka baxaan fadhigii golaha.

“Waxyaabaha aannu isku haynay saaka waxa ka mid ah miisaaniyaddii sannadka 2014-ka ee guddigii soo diyaarisay aan ka mid ahaa waxay ahayd 50 bilyan oo shillinka Somaliland ah, iminka bishii tobnaad ayeynu ku jirnaa, lacagteedii waatan warqadan aan hayo ku taal oo way soo wada baxday, marka laga reebo lacagta mashruuca JPLG-ga, (mashruucaha horumarinta magaalooyinka) iyadoo weliba lacagtii kabka dawladda dhexe ee dawladda hoose qaadanaysay ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samaysay diiwaangelinta haddana xataa tii kabku way soo baxday oo waxa jirtay in aannu cashuuraha kordhinay sannadkan oo iyadu kabtay, markaa laccagtii miisaaniyaddu dhammaanteed way soo baxday. Haseyeeshee, mashaariicdii loogu talogalay in ummadda loogu adeego maxaa ka fulay, maxaanse ka fulin? Dhammaanteed 5% waxba kamay fulin, lacagtiina bangiga ma taalo, markaa sow in la is-waydiiyo maaha lacagtii xaga ay qabatay? Wuxuu yidhi (maayirku) yaan laga hadlin taa, arrinta aannu ka diidnay ee muranka keentay waxa weeye waa laga hadlayaa hantida ummadda iyo halkay ku baxday, waayo dad masaakiin ah iyo dumar wadhato ah ayaa laga soo ururiyey, lacagtii halkay martay in is-waydiiyo oo la is xisaabiyo oo golaha la soo hordhigo wuu diiday maayarku, mana aqbalayno waanu dhaaranay oo kitaab baanu gacanta saarnay,” ayuu yidhi xildhibaan Cismaan Waxar.

Waxa kaloo uu intaas ku daray, “Laba sannadood baanu lahayn yaan la odhan sidii qoladii hore shan sannadood bay is haysteen ee ummadda yaan la khalkhalgelin, taasaa mushkilad nagu dhashay oo nagu keentay inay nagu kortaba caddaalad-darradii, musuqii inuu nagu bararo ayey na gaadhsiisay, laakiin ma daynayno ilaa ummadda lacagta laga qaadayaa wax cad noqoto (Transparency).

Magaalada waydinkaa arkaya waxa qashin yaal, shirkadaha qashinka heshiisyada lala galay iyo nidaamka uu yahay Wallaahi in aannaan waxba ka ogayn, shirkadihii hore ee la eryey hanti bay ka hayeen dawladda hoose gaadiid ka mid yahay, waa la eryey baa la yidhi ee gaadiidkii mee? Sow in la xisaabtama maaha, hantidani maaha mid aanay cidi lahayn ee mid ummaddi leedahay oo xildhibaanno loo soo doortay, waxa 25-ka looga dhigay tirada xildhibaannada Hargeysa yaanay musuq isku raacin, haddii la doonayo in meesha laba qof maamulaan maxaa doorashada loo galay maa loo daayo sidii hore ee madaxweynuhu u magacaabi jiray ninka keliya.”

xildhibaan WaxarXildhibaanka ayaa sidoo kale maayirka iyo maayir-ku-xigeenka Hargeysa ku eedeeyey inay jabiyeen qodobo ka mid ah Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin qodobka 99aad, faqaradiisa 1aad ilaa 5aad, kaasoo sheegaya in goluhu samaynayo gudi qandaraas, balse aan ilaa hadda waxba laga qaban arrintaas, waxaannu yidhi;“Marka Qandaraas la bixinayo ama iib la galayo xeerku waxa uu sheegayaa in golaha degaanku samaynayo guddi qandaraas, taasi oo maayarka laftiisa faa’iido u ah, laakiin ‘AHNA, AHNA’ iyo aniga ayaa hantida ummadda laga ururinayo ilaalinteeda iyo halkay gashay ma soconayso. Xeerku waxa uu sheegayaa in maayarka, maayar-ku-xigeenka iyo xoghayuhu iyo guddiga fulintu haddii ay u baxayaan safar shaqo ama fasax gooni ah u baxayaan inay fasax ka qaataan Guddiga Joogtada ah ee golaha, laakiin makhaayad baa laga dhigay meesha (Golaha Degaanka) marka la doonana la baxayo, marka la doonana la soo galayo, cid laga fasax qaadanayaa ma jirto, waxaannu ku war helnaa uun ebel maanta ayuu baxay oo meel hablaayo ayuu tagay.

Dhinaca kale, Maayirka Hargeysa oo shirguddoomiyey fadhigii Golaha Degaanka ee maanta, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo tabashooyinka sababay in xildhibaanno golaha ka tirsan bannaanka uga baxaan fadhiga, balse waxa uu tilmaamay in xildhibaannadu ansixiyeen ajandahooda oo ka kooban afar qodob.

“Waxaannu halkan ku yeelanay kal-fadhigayagii siddeedaad, kaasoo ajandidiisu ahaa afar qodob oo kala ah; Magac bixnta waddooyinka caasimada Hargeysa, looguna magac-darayo mujaahidiinta SNM oo xuskii maalinta shuhadadu ku began tahay 17 October 2014 oo ah Jimcaha maanta, anixinta go’aannada guddida joogtada ah, hawsha diiwaangelinta xildhibaannada Golaha deeganku uga qaybqaadan lahaayeen diwaangalinta iyo sidii xildhibaannada golaha deeganku uga qaybqaadan lahaayeen soo xeraynta dakhliga oo iyadoo October la marayo boqolkiiba kontan (50%) maqanyahay. Dhammaan qoddobbadii kal-fadhigu sidaasi ayey ku ansaxeen, waxaanna la isku soo noqon doonaa maalinta Sabtida oo la gudo geli doono doodii,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET