Khasaare Ka Dhashay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Berbera (SAWIRRO)

Hargeysa (SL.Post) Waxa maanta jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ka dhacay shir baabuur oo khasaare nafeed dhaliyay, gaar ahaan agagarka deegaanka Aw Barkhadle.

3-20-740x419

Shirkan Baabuur ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo mid ka mid ah ay saarnaayeen ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha  Wakiillada Somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ugu sii jeeday deegaanka Dacarbudhuq ee degaanka Laasgeel.

4-13-740x419

Warka ayaa intaas inay shilkan  ku dhaawacmeen 5 qof oo la kala socaday labadan Baabuur ee isku dhacay, kuwaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo Cusbtitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

5-10-740x419

Waxaana shilkan baabuur uu sababay sida naloo sheegay khasaaraha dhaawaca 5 qof oo la kala socday labada gaadhi iyagana oona dhaawaca dadkaasi loosoo qaaaday cusbitaalka magaalada hargeysa.

1-155-740x419

Darawalkii waday gaadhiga yar ayaa la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u adag tahay wallow ay dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa la tacaalayaan xaaladiisa.

2-28-740x419

Jidkan isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayaa waxa inta badan ka dhaca shilal galaafta nolosha dad badan, iyadoo hay’addaha ka masuulka ah arrimaha nabadgelyada wadooyinku ay  wadayaasha gaadiidka ugu baaqeen inay si taxadir iyo masuuliyadnimo ku dheehan tahay u isticmaalaan jidka.

 

Somalilandpost.net