Khasaare ka Dhashay Dab Ka Kacay Wershadda Korontada Berbera (DAAWO)

Berbera (SLpost)- Dab khasaare geystay ayaa maanta qabsaday qayb ka mid ah  Warshadda Leydhka ee magaalada Berbera, gaar ahaan Keydka Shidaalka Mishiinnada Korontada dhaliya.

Taangiga Shidaalka ee dabku qabsaday oo debedda ka ah Dab-dhaliyeyaasha Korontada, waxa markiiba cirka isku sharreeray Qarax iyo Qiiq cirka Isku Shareeray, waxaana isla goobta Xarunta Shidaalka shacbiga magaaladaas, masuuliyiinta Degmada iyo Dab-damiyeyaasha Dekedda magaalada Berbera.

Dabkan ka kacay Wershadda Korontada ee Berbera oo aan la aqoonsan sababtiisa, ayaa dhaawacyo u geystay saddex qof oo ka mid ah dadkii bakhtiinayey dabka, waxaana markii dambe lagu guulaystay in la xakameeyo lana bakhtiiyo dabkaas.

SOMALILANDPOST.NET