Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Caasimadda Dalka Ethiopia

Addis Ababa, Caasimadda dalka Ethiopia

 

Addis Ababa (SLpost)- Ugu yaraan Saddex qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay kaddib markii bambo meel lagaga tagay ku qaraxday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Axadda maanta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Warku waxa uu intaas ku daray in qaraxu  ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow badhtamaha caasimadda, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay saddex qof, halka Shan Qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.

Advertisement
Addis Ababa, Caasimadda dalka Ethiopia

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Federaalka iyo ururla TPLF, balse lama xaqiijin karo inuu jiro xidhiidh ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolka Tigray.

“Waxa socda baadhitaan la xidhiidha qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baadhitaanku dhamaado,” sidaas waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo u warramay wakaaladda wararka ee ENA.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska Federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin boolisku sooma bandhigin caddeymo ka markhaati kacaya eedaymaha ay jeediyeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On