Khasaaraha Ka Dhashay in ka badan 7 Kun Shilal gaadiid ah oo Somaliland ka dhacay sannadkan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa soo bandhigay khasaaraha ka dhashay shilalka gaadiidka 11-kii bilood ee ugu dambeeyey.

Wasiirka Gaadiidka Somaliland waxa uu sheegay in todoba kun oo shil in ka badani ay dalka ka dhaceen sannadkan gudihiisa, dadka u geeriyooday iyo dadka dhaawacu ka soo gaadhayna ay aad u badan yihiin.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka hadlay shilalka dalka ka dhacay waxa uu yidhi, “Muddo ka yar 11 bilood, waxaa ka dhacay wax ku dhaw toddoba kun oo shil, waxaa dhintay dad kor u dhaafaya laba boqol iyo dhawr iyo lixdan qof, waxaa dhaawacmay in ka badan afar boqol iyo dhawr iyo todobaatan qof.”

Advertisement

“Waxaa ayaan daro ah in dawlado iyo dalal dagaal ku jira in dhaawacaas, dhibaatada iyo khasaarahaasi aanu ka dhicin, macnaheedu waxaa weeyaan Somaliland dhibaatada jidadku waxay ka dhigtay sidii dal dagaal ku jira oo kale,” ayuu yidhi Wasiir Ataash, waxaanu intaask u daray hadalkiisa, “Ujeeddada kulankana waa sidii aynu taas uga badbaadi lahayn, oo dadkeena u badbaadin lahayn, hantideena u badbaadin lahayn,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo hadalkan ka sheegay xaflad lagu Qabtay Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On