Khasaaraha ka dhashay Dab Qabsaday Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay gudaha Dekedda Berbera, iyadoo khasaarahani sababay inuu gubto mid ka mid ah saddex wiish oo cusub oo dekedda lagu soo kordhiyey kuwaas oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo u warramay telefishanka HCTV, ayaa faahfaahin ka bixiyey baaxadda khasaare ee dabku sababay, isagoo sheegay inuu dabku qabsaday wiishka gubtay oo xilligaas aan shaqada ku jirin, balse uu khasaare baahsani ku dhacay wiishka.

Lama oga sababta dhalisay dabka, balse waxa uu maareeyuhu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabi doonaan baadhitaan ay ku ogaanayaan sababta.

Faahfaahinta warkan kaga bogo muuqaalka Hoose

https://www.youtube.com/watch?v=Ld33aVfvQw8